Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Soomaaliya iyo midowga Yurub oo heshiis dhinacyo badan taabanaya kala saxiixday.

Dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya iyo midowga Yurub ayaa maanta kala saxiixday heshiis dowladda Soomaaliya looga taageerayo siyaasad ahaan iyo dhaqaalo ahaan, iyadoo heshiiskaasna labada dhinac ay ukala saxiixeen gudoomiyaha midowga Yurub Jose Manuel Broso iyo Luis Micheal oo midowga Yurub u qaabilsan dhinaca horumarinta iyo deeqda aadaniga iyo madaxweynaha dowladda Fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya iyo ra'iisal wasaarahiisa Cali Max'ed Geedi.

Heshiiskan ay qalinka ku duugeen labada dhinac ayaa dhigaya in u qeybsanaha midowga Yurub dhinaca horumarinta iyo deeqaha aadanaha Luis Micheal oo socdaal ku tago dalka Soomaaliya bartramaha bisha May ee ina soo aadan, isagoo kulamo la yeelan doona baarlamanka Soomaaliya oo uu casuumaad ka helay iyo in dowladda Soomaaliya lasiiyo 70 milyan oo Euro marka wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub ay ansixiyaan bisha April ee soo socota.

Lacagahan ayaa la sheegay in loogu tala galay in looga caawiyo dowladda dib usoo celinta haykalka dowladnimo ee soomaaliya. Jose Manuel Broso oo ka hadlayay shir jaraa'id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo madaxda sare ee Soomaalida ayaa sheegay u jeedada heshiiskan in uu yahay in Soomaaliya ay soo ceshato makaanadii ay ku lahayd beesha caalamka.

Madaxweynaha dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya iyo ra'iisal wasarihiisa oo ka hadlay shirkaas jaraa'id ayaa muujiyay sida ay ugu riyaaqsan yihiin heshiiskan ay la saxiixdeen midowga Yurub, ayagoo sheegay heshiiskan in uu gacan ka gaysanayo in dowladda ay isku taagto cagaheeda.

Mar wax laga weydiiyay ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geeddi dagaalka ka socda magaalada Muqdisho waxa uu sheegay dagaalkaas in ay hurinayeen wasiiro gadoodsan iyo hogaamiye kooxeedyo oo ku doodaya in ay la dagaalamayaan argagixiso oo dagaal la galay maxaakimta islaamiga, ururada bulshada rayidka, ganacsatada iyo dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay ra'iisal wasaare Geedde in la jabiyay maleeshiyooyinka hogaamiye kooxeedyadaas iyo wasiiradaas hubaysan ee Muqdisho.

Ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geedi waxa uu intaa ku daray in ay iminka ku howlan yihiin sidii wada shaqeyn ay u dhex mari lahayd maamulka Gobolka Banaadir iyo bulshada reer Muqdisho.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU