(Thursday March 23, 2006)
Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa
galabta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, iyadoo
halkaasi ay kusoo dhaweeyeen qaar ka mid ah xubnaha dowladda fedaraalka kmg
ah ee Soomaaliya iyo masuulyiinta gobolka Bay iyo dadweyne aad u fara badan.
Wafdigan uu horkacayay gudoomiyaha baarlamanka oo kasoo duulay magaalada
Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa kamid ah wasiirka beeraha Xasan
Max’ed Nuur Shaatiguduud oo dhawaan magaalada Sanca ee wadanka Yemen uga
qeyb galay shir ay ku yeesheen wasiirada beeraha ee wadamada bariga dhaw iyo
dalal kale oo lagu casuumay oo ay ku jirtay Soomaaliya, wasiirak haweenka
iyo arrimaha qoyska Fowsiyo Sheekh Max’ed, wasiirka macdanta iyo biyaha
Max’ed Salaad Nuur, xildhibaan Axmed Ducaale Geelle (Xeef), xildhibaan
Max’ed Cabdi Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Waxaa sidoo
kale wafdiga gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ka mid ahaa
ergayga dalka Talyaaniga u qaabilsan dalka Soomaaliya Mario Rafa’elli.
Shariif Xasan oo in dhawalaaba ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa kulamo
halkaasi kula yeeshay wakiilo kasocday beesha caalamka, madaxda urur
goboleedka IGAD iyo masuuliyiin kale, isagoo sidoo kale lagu casuumay
kalfadhiga baarlamanka dalka Kenya oo uu ka qeyb galay. Soo laabashada
gudoomiyaha baarlamanka iyo wafdigiisa ayaa kusoo beegmay xilli amaan darro
ay kusoo korortay magaalada Baydhabo oo habeenkii 2aad lagu soo rogay bandow
dhaqan galaya 10:00 fiidnimo, kaasoo soconayaa ilaa waaga uu ka dilaaco.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADIHSHU