|
Hogaamiyaasha wadamada IGAD oo maanta shir uu uga furmay Nairobi.
Kulan madaxeedka urur goboleedka IGAD ayaa waxa uu si rasmi ah uga furmay
magaalada Nairobi, iyadoo kulankaasina ay kasoo qeyb galeen inta badan
madaxda 7 dal ee xubnaha ka ah urur goboleedka.
Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay furitaanka shir madaxeedkaas
ayaa waxaa khudbad furitaan ah ka jeediyay madaxweynaha iminka kasii degaya
talada ururka ee dalka Uganada Yaweri Moseveni.
Moseveni oo muddo 2 sanadood ah madax ka ahaa urur goboleedka IGAD ayaa
waxa uu kaga hadlay guulaha ururka uu ku talaabsaday mudadaas labada
sanadood ah iyo caqabadaha soo food saaray oo ay kamid tahay dagaalada ka
jira wadamada xubnaha ka ah ururka, waxa uuna tilmaamay wada shaqeyn la’aan
ka timid dhanka dowladaha xubnaha ka ah ururka in ay keentay dib u dhac ku
yimid howlaha ururka laga doonayay in uu wax ka qabto.
Mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya waxa uu yirr " Ugandka iyo dalal
kale oo fara ku tiris ah aya diyaar u ah ciidamo in ay u diraan dalka
Soomaaliya si ay uga saacidaan dowladda Soomaaliya dhismaha ciidankeeda
xooga, arrinta Soomaaliya sida na soo gaartay dadka Soomaalida ma doonayaa
ciidamo ajnabi ah".
Madaxweynaha dalka Kenya Muwai Kipaki oo marti loo ahaa, isla markaana la
wareegaya talada urur goboleedka IGAD ayaa waxa uu isagana khudbadiisa kusoo
qaatay arrimaha Soomaaliya.
"urur Goboleedka IGAD waxaa magac u ah heshiisyada ay gaareen Soomaaliya
iyo Suudaan oo sameystay dowlado ay u dhan yihiin, aad baan ugu faraxsanahay
dowlada kumeel gaar ah oo Soomaaiya ay yeelato, waxaana hambalyo u diriyaa
anigoo wakiil ka ah urur goboleedka IGAD baarlamanka dowladda kmg ah ee
Soomaaliya oo markii ugu horreysay muddo 15 sanadood ah fadhi ku yeeshay
gudaha wadanka Soomaaliya bishii February ee tagtay" ayuu yiri Kipaki oo
intaa raaciyay "waxaan ka codsanaya shacabka Soomaaliyeed in had iyo jeer ay
taageeraan geedi socodka nabada, isla markaana ay sii wadaan wadahadalada
qaranka si loo gaaro nabad buuxda.".
Muwai Kipaki ayaa ugu baaqay wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD
iyo beesha caalamka in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya la tacaalida
burcad badeeda oo khatar weyn ku haysa gobolka.
Xafladii furitaanka waxaa sidoo kale ka hadlay madaxweynaha dalka
Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka codsaday IGAD in ay meel mariyeen
ballimihii ay u qabteen dowladdiisa, isagoo khudbadii maanta uu ka jeediyay
furitaankii kalfadhigaas uu diirada ku saaray sida dowladdiisa iminka ay ugu
baahan tahay taageerada beesha caaalamka si ay uga gudubto caqabadaha
horyaalla.
Kulankan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa waxaa looga hadli doonaa
arrimaha Soomaaliya, Suudaan, muran xuduudeedka u dhaxeeya Ethiopia iyo
Erateria, abaaraha ka jira gobolka iyo arrimo kale oo xasaasi.
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen madaxda urur goboleedka IGAD marka laga
reebo madaxweynaha dalka Erateria oo soo dirsaday wasiirkiisa beeraha ayaa
waxaa sidoo kale ka qeyb galaya wakiilo kasocda midowga Yurub, QM, Midowga
Afrika, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo deeq bixiyayaasha iyo marti
sharaf kale oo laga casuumay kulankaas.
Si kastaba ha ahaatee madaxda urur goboleedka IGAD ayaa waxaa looga
fadhiyaa in ay kasoo saaraan kulankooda go’aano wax u taraya shacabka ku
dhaqan gobolka oo ay soo food saareen dhibaatooyin farabadan.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|