Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kalfadhigii baarlamanka dowladda FKMG ee maanta oo aan wax go'aan ahi ka soo bixin.

Kulankii maanta baarlamanka fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa kusoo gaba gaboobay natiijo la’aan, kadib markii golaha baarlamanka uu ku guul daraystay soo bandhigida magacyada guddiyadii 14ka ahaa ee uu shalay ansixiyay golaha baarlamanka.

Dib u dhacan ku yimid soo bandhigida magacyada gudoomiyayaasha iyo kuxigeenadooda ee ay yeelanayaan guddiyadaas ayaa waxaa loo aaneeyay qalad dhinaca awood qeybsiga oo la doonayay in lagu qeybsado qaabka 4.5, balse taasi ay dhinac mareen guddiyadii shalay la ansixiyay.

Gaba gabadii kulankii maanta waxaa saxaafada la hadlay gudoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha baarlamanka Prof. Max’ed Cumar Dalxa oo ka warbixiyay dib u dhaca ku yimid kulanka baarlamanka.

Dhalxa waxa uu yiri “runtii ayagoo si wanaagsan howshaas u dhex galay gudiyadaas sidii ay isu soo dooran lahaan, waxa ayna soo gudbiyeen gudoomiyayaashii ay iska soo doorteen, gudoomiye ku xigeenadii iyo xoghayntii, hayeeshee arrintaas markii gudoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa ay wada jir u eegeen, waxaa loo baahday sida dastuurka uu qabo in lagu saleeyo gudoomiyayaasha, kuxigeenada iyo xoghaynada qaabkii awood qeybsiga 4.5”.

Prof. Dalxa waxa uu intaa ku daray maalinta berrito ah in ay isugu imaanayaan golaha baarlamanka kulan kale oo lagu dhamaystirayo magacaabista gudoomiyayaasha, ku xigeenada iyo xoghaynada.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU