Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shirkaddii laga lahaa Dubai ee la wareegi lahayd qaar ka mid ah Dekadaha Mareykanka ayaa ka noqotey heshiiskii.

War goor dhaweyd ka soo baxey Maamulka sare ee shirkadda lagu magacaabo  Dubai Ports World ayaa shaaca ka qaadey in qorshihii ahaa in shirkaddani ay la wareegto maamulka Lix Dekadood oo waaweyn oo ku yaalla Mareynka ay iskeed iskaga deysey iyadoo warkaasina lagu sheegey in hawshaas ay ku wareejin doonto Shirkad kale oo laga leeyahay isla Mareykanka oo iyadu dhaqadaas qaban doonta.

sida lagu sheegey war saxaafadeed kasoo baxey xafiiska  Dubai Ports World ayaa tibaaxaya in iyadoo laga duulayo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Dubai iyo Mareykanka ay  hay'addani  far ka qaaddey qorshihii ahaa in ay Maamusho lix ka mid ah Dekadaha ugu waaweyn waddanka Mareykanka qandaraaskaas oo ku kacayey lacag gaareysa 6 bilyan oo doolar ayay shirkaddu Go'aansatey ay ka noqoto qabashada Hawshaas. hadalkani wuxuu qeexayaa inaan dhibaato dhaqaale ka gaari doonin shirkadda DP World.

Nin ka tirsan Aqalka Senatka Mareykanka ayaa isaguna sheegey in warkaasi uu yahay mid tajinaya xiisaddii ka dhalatey la wareegidda dekadahaasi.

heshiiskan dhexmarey Dowladda Mareykanka iyo DP World ayaa dhaliyey Muran xoog weyn iyo Mucaaradad kaga timid labada Aqal ee Congresska iyo Senat-kaba kaasi oo u muuqdey inay Hor Istaagi doonaan Heshiiskaasi.
 

Muqtar A.Katiitow
RSTV NEWS ROOM