Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shirkadda Banaadir oo maanta saxafiyiinta Muqdisho soo tusiyey goobihii ay shalay la wareegeen ciidankooda.

Maamulayaasha shirkadda Banaadir oo ayagu shalay sheegtay in ay gabi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta inta u dhaxeysa degmada Warshiikh iyo deegaanka Sheekh Cali C/lle ayaa maanta saxaafada geeyay deegaanadii ay shalay ka qabsaeeen maleeshiyooyinka isbahaysiga argagixiso la dirirka.

Saxafiyiintii maanta loo kaxeeyay deegaanadaas ayaa booqday garoonka Cisalley, dekadda ceel Cadde iyo deegaanka Galgalato oo ay horay gacanta ay ugu heyn jireen maleeshiyooyinka ka amar qaata Bashiir Raagge Shiiraar.

C/kariim Xuseen Gutaale oo ka mid ah wariyayaasha Idaacada Qur'aanka Kariimka kana mid ahaa wariyayaashii booqday ayaa uga warramay RSTV waxa ay kusoo arkeen goobihii maanta ay socdaalka kusoo mareen.

socdaalkii maanta aan ku tagnay garoonka Cisaley iyo dekedda Ceel Cadde oo horay gacanta uu ugu heyn jiray Bashiir Raage, balse iminka ay kala wareegeen shirkada Banaadir waxaa joogay ciidamo ka amar qaata shirkadda Banaadir oo ku hubaysan gawaarida dagaalka, mana jirin wax is badal ah oo aan ka aragnay goobahaas marka laga reebo raadkii uu ku reebtay dagaaladii faraha looga gubtay ee ka dhacay duleedka bari ee muqdisho 4tii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaad ku arkaysaa deegaanadaas fooqa rasaasta, iyadoo halkaasi aan laga dareemi karin baaxada dagaalkaas maadaama uu yahay dhul dooxo ah oo aysan cidi deganeyn; ayuu yiri Suubiye oo intaa kudaray in dhamaan deegaanadaas ay iminka ka jirto xasilooni, iyadoo gawaarida xamuulka ee alaabaha kasoo daabula dekadda Ceel Macaan ay si caadi ah u socdaan.

Xaalada deegaanadaas oo shalay dagaallo culus ay ka dhaceen ayaa maanta degan, iyadoo aysan jirin wax is rasaaseyn ah oo dhex maraysa labada dhinac ee isku hor fadhiya deegaanada ku yaalla duleedka degmada Kaaraan. Ciidanka shirkadda Banaadir oo gacan weyn ka helaya ciidanka Maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir ayaa shalay si toos ah uga la wareegay gacan ku heynta deegaanada isku xira degmada Warshiikh iyo degaanka Sheekh Cali C/lle, halkaasoo ay ku yaallaan dekadaha Ceel Macaan, Dekadda Ceel Cadde iyo Cisalley Airport, waxaana maanta deegaanadaas lagu arkayay gawaarida xamuulka oo si nabdoon ku maraya halkaas, iyadoo aysan jirin lacago baad ah oo laga qaadayay gawaaridaas oo horay ay uga qaadan jireen maamulkii uu madaxda ka ahaa Bashiir Raagge ee laga xaaqay deegaanadaas, taasoo ay u riyaaqeen darawallada gaadiidkaaas oo dhibaato weyn ku qabay maleeshiyooyinkii joogi jiray isbaarooyinkaas oo ka qaadi jiray gaadiidkaas lacago baad ah oo aysan awood u lahayn. Si kastaba ha ahaatee dagaalkii kasocday duleedka bari ee magaalada Muqdisho ayaa soo afjarmay kadib markii laga itaal roonaaday maleeshiyooyinka isbahaysiga argagixiso la dirirka oo jab weyn uu ka soo gaaray dagaalkii ay la galeen ciidanka Shirkadda Banaadir oo gacan ka helaya maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU