Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Afhayeenka baarlamaanka oo maanta dib u dhigay mare kale kalfadhigii baarlamaanka.

Mudanayaasha baarlamaanka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale kulan ku yeeshay hoolka Shirarka ee xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ee xarunta Bay,kulankaasi oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan..

Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka kmg ah ee Soomaaliya oo aanay jirin wax ejendo ah oo lagu soo qaaday ayaa waxa uu socday saacado ka kooban kuwii hore ee kalfadhiyada baarlamaanka ay socon jireen.

Mudanayaasha baarlamaanka dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa loo sheegay saacad ka dib markii uu kulanka furmay in kalfadhigii baarlamaanka dib loo dhigay illaamaalinta sabtida ee isbuuca soo socda .

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa sabab uga dhigay dib u dhigida kalfadhiga baarlamaanka in ay timid ka dib markii kooramkii kalfadhiga uu buuxsami waayey.

Kulankii maanta ay yeesheen mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaanoaad uga yar kuwiihorey usoo xaadiri jiray kalfadhiyada baarlamaanka,lamana oga waxyaabaha keenay in xildhibaanada ay soo xaadiri waayaan.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU