Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulanka baarlamaanka oo maanta mar kale ka furmay magaalada Baydhabo.

Xildhibaanada dowlada kmg ah ee Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta mar kale ku kulmay hoolka shirarka xarunta ADC ee magaalada Baydhabo.

Kulankii xildhibaanada Baarlamanka KMG ee Soomaaliya ay maanta ku yeesheen xarunta ADC ee magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa lagu ansixiyey magacyada xubnaha gudiyada baarlamaanka.

Fadhigii maanta ayaa waxaa soo xaadirey 190 xubnood, waxaana kulankii maanta uu ahaa mid ka duwanaa kulamadii hore ayadoo kulankii maanta saxaafada loo diiday in goob joog ahaadaan.


Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii ay dhamaatey codeyntii wuxuu u ogaaladey saxaafada inay soo galaan gudaha hoolka shirarka ee xarunta ADC-da si loogu sheego waxyaabihii ka soo baxay kulankii maanta.

Gudoomiyuhu wuxuu si rasmi ah uga dhawaaqey in maanta oo ah 18-ka March fadhigii baarlamaanka ay soo xaadireen 190 xildhibaan, waxaana laga doodayey hawsha gudiyada baarlamanka, iyadoo 172 xildhibaan ay ogolaadaan inay ansixiyaan gudiyada 14-ka ah xubnaha ka mid noqon doona 12 xildhibaanna ayaa diiday u codeynta xubnaha gudiyada halka 6 mudane ay ka aamuseen .


Sidoo kale kulankii maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa lagu ansixiyey xoghayeyaal baarlamanku uu yeesho oo 3 xubnood ka kooban iyo 3 xubnood oo noqonaya nidaamiyahasha Baarlamanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa mudanayaasha baarlamaanka u sheegay in ay dib isugu laabtaan maalinta bari ah si ay u ansixiyaan gudoomiyaasha 14ka guddi ee golaha baarlamaanka.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM

Mcadde@rstvonline.com