Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Shirka madaxda Jaamacadda Carabta ayaa ka furmay Khartuum

Shirka dalalka ku jira Jaamacdda Carabta ayaa ka furmay waddanka Suudaan Magaalo Madaxdiisa Khartoum, shirkani oo  in Muddo ah la sugayey ayaa waxaa horyaala arrimo badan oo ka jir aDunida Carabta.

Arrimaha ugu waaweyn ee la filayo in shirkan looga doodo ayaa waxaa ka mid ah dhibaatooyinka ka jira dalalka Soomaaliya,Suudaan, Falastiin, iyo waliba dalka Ciraaq. Arrimaha Soomaliya iyo sidii loo sii wadi lahaa habka dib u heshiisinta ayaa waxaa shirka soo hordhigi doona dalalka Suudaan iyo Yemen oo labaduba si aad ah u daneynaya Nabad ka hirgasha Dalka Soomaaliya iyo waliba sidii loo dadajin lahaa lacagtii horey loogu ballanqaadey Soomaaliya.

Shirkan waxaa Soomaliya uga qeyb galaya Goddoomiyaha Barlamaanka Md.Shariif Xasan oo maanta fadhiyey kursiga Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo Madaxweynaha iyo Ra'iisal wasaruhuna ay Berito halkaasi gaari doonaan iyagoo haatan ku sugan Xarunta Midowga yurub ee Brussels halkaasi oo ay u Joogaan shirkale oo lagaga hadlayo Arrimaha Soomaaliya. 

Muqtar Ahmed Katotow
RSTV NEWSROOM
Minnesota