|
Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla saalax iyo Shariif Xassan oo qadka
taleefanka ku wada sheekeystay.
Gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xiriir dhinaca
taleefanka ah la sameeyay madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa
uga mahad naqay kaalinta uu ka qaatay geedi socodka nabadda iyo waliba
dadaallada uu taageerada ugu raadinayo dowladda Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa uga warbixiyay madaxweynaha Yemen kalfadhigii
baarlamanka ay ku yeesheen magaalada Baydhabo oo ah kii ugu horreeyay oo ay
isugu yimaadaan baarlamanka gudaha dalka Soomaaliya tan iyo markii dowlada
fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka
Kenya, taasoo qeyb ka ah mirihii ka dhashay hishiiskii Cadan ay ku kala
saxiixdeen 5tii bishii January madaxweynaha Soomalaaiya C/llaahi yuusuf
Axmed iyo gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan waxa uu u sheegay Cali Cabdalla Saalaxl in baarlamanka uu
sii wadi doono kalfadhiyada uu yeelanayo 4ta bilood ee soo socota, iyagoo ka
munaaqashoon doona arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dib u dhiska hay’adaha
qaranka ee burburay iyo waliba midaynta shacabka Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha baarlamanka ayaa carabka ku dhuftay in ay socdaan dadaallo
looga golleeyahay sidii iskaashi iyo wada shaqayn uu u dhex mari lahaa
golaha baarlamanka iyo golaha wasiirada si ay u gutaan howlihii loo soo
doortay oo ah u adeegida shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa dhankiisa u xaqiijiyay dowladda
Yemen in ay garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliya, isla
markaana qeyb libaax ay ka qaadan doonto nabad kusoo dabaalida iyo dib u
dhiska dalka Soomaliya.
Madaxweyne Saalax waxa uu mar kale ku celiyay baaq uu u jeediyay beesha
caalamka, deeq bixiyayaasha, dowladaha carabta iyo kuwa saaxiibada la ah
dalkiisa in ay bar bar istaagaan dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ka
qeyb qaataan dib u soo noolaynta hay’adihii qaranka ee burburay iyo dib u
dhiska dalka Soomaaliya oo ay halakeeyeen dagaallo ahli ah 15kii sanadood ee
lasoo dhaafay.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
Mogadishu
|