|
Seeraar oo Galaal oo walwal ballaaran ka muujiyey isbahaysiga la dagaalanka
argagixisada ee dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay.
Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar ahna gudoomiye kuxigeenka isbahaysiga
dooxada jubba iyo jenaraal Max’ed Nuur Galaal ayaa walaac ka muujiyay
isbahaysi la magaca baxay la dagaalanka argagixisada iyo dhaq dhaqaaqyada
Maraykanku kawadaan dalka Soomaaliya oo ay ku sheegayaan in ay kaga
hortagayaan argagixisada hoyga ka dhigatay dalka Soomaaliya.
Xildhibaan Seeraar iyo jenaraal Galaal ayaa muujiyay in ay danaynayaan
kulan in ay la yeeshaan masuuliyiinta safaarada Maraykanka uu ku leeyahay
magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay ugu qanciyaan masuuliyiinta
Maraykanka dib in ay u eegaan kaalmada Washington ay siiso isbahaysiga la
magaca baxay la dagaalanka argagixisada.
Hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Seeraar iyo jenaraal Galaal ayaa kusoo
beegmaya, iyadoo ay isa soo tarayaan walaaca shacabka Soomaaliyeed ay
kaqabaan dhaq dhaqaaqyada Maraykanka ay kawadaan dalka Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka ayaa dalka Soomaaliya kawada kaalmo ay siinayso qaar
kamid ah hogaamiye kooxeedyada Soomaaliyeed oo ku midoobay isbahaysi la
magac baxay la dagaalanka argagixisada, kaasoo sheegtay in ay la dagaalami
doonaan shisheeyaha ku dhuumaalaysanaya gudaha Soomaaliya ee ka
faa’iidaysanaya dowlad la’aanta ka jirta dalka.
Maxamed cadde.
RSTV NEWSROOM
|