Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Saraakiil midoga afrika iyo dowlada Itoobiya ka tirsan oo ku sugan magaalada Jowhar soo gaaray.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in wafdi ka socda midowga afrika iyo dalka Ethiopia ay maanta soo gaareen halkaasi , iyagoo kulamo albaabada u laabanyihiin yihiin la qaadanaya gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo isaga todobaadkan shaaciyey in uusan ictiraafsanayn dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban 3 sarkaal oo laba ka mid ah ay ka socdaan ururka midowga afrika halka midka kalena uu ka socdo wadanka Itboobiya ayaa ilaa iyo iminka waxa uu kulankooda ka socdaa magaalada Jowhar ayadoo aan laga warqabin waxyaabaha dhabta ah ee ay ka wada hadlayaan.

Ilo wareed ku dhow dhow maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya ujeedada saraakiishan ay u imaadeen magaalada Jowhar in ay tahay sidii xal loogu heli lahaa xiisadaha sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere iyo dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya.

Imaatinka Saraakiishan magaalada Jowhar oo aan horay loo sii sheegin ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli cirka uu isku sii shareeray hadalada aan loo meel dayin ee kasoo yeeraya Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWROOM
Mogadishu