Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta ka gudoomay Maamulka iyo Shacabka Reer Puntland

kaalmo lacageed oo gaaraysa ku dhawaad $34,000 oo doolar oo ay ugu deeqeen dadka ku tabaalaysan gobollada abaaraha ay ka jiraan ee Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray guddiga gurmadka abaaraha oo aan nuqul ka mid ah helnay ayaa sidan u qornaa. Sida la ogsoon yahay ummadda Soomaaliyeed waxay ka soo daashay in muddo ah dhibaatooyin aad u badan iyo mashaakillo lagu cibro qaato , waxayna ogaatay in kaalmo dibedeed weligeed lagu tiirsanaan Karin , ummadina haddey jiritaan doonayso waa inay wax qabsato oo danteeda iyadu ka shaqeyso , is caawiso , is garabsato,

kuna midowdo shayga xaqqa ah sida diinteennu na farayso. . Haddaba markii dalka Soomaalida ayaamahan meelo badan oo ka mid ah ku habsadeen abaaro , lana arkay inaysan jirin cid kale oo lagu halleyn karo xalka dhibaatadan Alle ka sokow , dadka Soomaaliyeedna yihiin kuwo walaalo ah oo aan kala maarmin , ayaa waxaa bilowday isu gurmad dibed iyo gudaba ah. Haddaba waxaa guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya deeq lacag ah soo gaarsiiyey gobollada P/land , lacagtaas oo ay ku tabarruceen dadweynaha iyo maamulka dhulkaas uguna deeqeen dadka walaalahooda oo abaaruhu wax ku yeeleen gobollada koonfureed cadadkeeduna wuxuu dhan yahay $33976 , deeqdanna waxaa ka horreysay deeq lacageed oo kale oo gobollda P/land ugu deeqeen gobolka gedo kaasoo ay ka jirta abaarta ugu xun gobollada dhibaatadu gaartay

Haddaba guddiga gurmadka abaaruhu waxay mahad ballaaran u celinayaan dadweynaha , waxgaradka iyo maamulka g.P/land iyagoo uga mahad celinaya deeqda wax ku oolka ah ee ay walaalahooda dhibaataysan ugu tabarruceen , Guddiguna wuxuu ku boorrinayaa inay hawsha halkaas ka wadaan waayo dhibaatadii weli waa taagan tahay

 xitaa haddii roob da’o raadkii abaartu baaqi bay ahaanaysaa muddo bilo ama sannado ah haddii aan Alle keenin faraj. Midda kale guddigu wuxuu ballan qaadayaa inuu deeqdaas gaarsiin doono meelihii loogu tala galay oo ah meelaha abaaruhu ku habsadeen . Qoraalkan nala soo gaarsiiyey ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha gudiga gurmadka abaaraha Sheekh Axmed Maxamed Suleyman.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU