Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Hal qof ayaa ku dhintey Masar iyadoo laga cabsi qabi inuu diley Hargabka Shimbiraha.

waddanka Masar ayaa laga cadeeyey in qof dumar ahi ay u dhimatey wax loo maleynayo inuu yahay Hargabka Shimbiraha ee loo yaqaanno H5N1.

Haweenaydan oo da'deedu ahayd 30 waxaa ay ka shaqeynaysay ama ay booqatey Meel Digaagga lagu xanaaneeyo.wali waxaa socda baaritaan lagu hayo sababtii ay u dhimatey iyadoo qeybo ka mid ah Saamigii laga qaadey Jirkeeda loo direy waddanka Ingiriiska walina la sugayo warar dheeraad ah.

Bishii hore ayey ahyd Markii Dowaldda Masar ay Amar ku bixisey in dadka doonaya iney Digaagga Qashaan ay ku qashaan Meelo ka mid ah guryaha oo aan lagu qalin meel fagaare ah ama dadka ka dhaxeysa.

Cudurka loo yaqaanno Hargabka Shimbiraha wuxuu diley Dad gaaraya ilaa 90 qof dunida dacaladeeda tan iyo sanadkii 2003di,  iyadoo dadkaas intooda badan ay yihiin dad ka soo jeeda K/bari Asia.

RSTV NEWSROOM
ROCHESTER, MN