|
Kenya ayaa ku dhawaaqday in Qaxooti Cusub oo Soomaali ahi ay dalkeeda soo
galeen. War kasoo baxey Maamulayaasha Kenya gaar
ahaan gobolka w/bari Maanta waxaa lagu sheegey in Dalka Kenya ay soo gaareen
qaxooti Cusub oo Soomaali ah kuwaasi oo kasoo Firxadey dagaalada kasoo
Cusboonaadey Magalaada Muqdisho Maalmihii ina dhaafey. Dadkaasi Qaxootiga
ah oo tiradooda lagu Qiyaasey ku dhawaad 1000 qof waxey kasoo tallabeen
xuduudda u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxeyna sheegeen inay kasoo
carareen dagaalka Muqdisho ku dhexmaraya Maleeshiyooyinka hubeysan ee ku
dagaalamaya dhinaca waqooyi ee caasimadda Soomaaliya. Warkan ku saabsan
Qaxootiga waxaa xaqiijiyey Madaxa hay'adda CID ee gobolka Waqooyi Bari Kenya
Mr.Henry Ondiek wuxuuna sheegey inay dadkaas Qaxootiga ahi ay isu dhiibeen
Hay'adda UNHCR xarunteeda ku Dhadhaab oo ku Magaalada Gaarissa. Warku
wuxuu intaa ku darayaa in qaxootigani ay hadda xaalkoodu wanaagsan yahay
lana doonayo in la dajiyo Xeryaha Qaxootiga ee ku degmada Dhadhaab.
RSTV NEWS ROOM
MINNESOTA |