|
Qaraxyo Dad ku dhinteen ayaa ka dhacey Pakistaan Labad
qarax oo isku dhow ayaa ka dhacey meel aan sidaas uga fogeyn Qunsuliyadda
Mareykanka ee ku taalla Magaalada dekadda ah eeKarachi. Sida uu Caddeeyey
sarkaal u hadley Booliiska magaalada oo lagu magacaabo
Javed Akbar ayaa warbaahinta u sheegey in qaraxyadaas oo kala dambeeyey
qiyaastii 2 daqiiqo ay ka dhaceen dhinaca dambe ee Hotelka caanka ah ee
Marriott Hotel. wararku waxay sheegayaan inaan
la ogeyn cidda ka dambeysa dhibaatadaas hase yeshee wuxuu ku soo beegmay
qaraxani wakhti uu Madaxweynaha Mareykanku Booqanayo gobolkaas isagoo Dalka
Pakistaana ku soo fool leh 4ta March halkaas oo la qorshaynayo inuu maalmo
joogi doono. Ma ahan markii ugu horreysey ee dalkaasi ay ka dhacaan Qaraxyo
noocan oo kale ah sanadkii la soo dhaafey 3 qof ayaa ku dhimatey Qarax sidan
oo kale ah, sanadkii 2002 dii waxaa iyana qarax lagu diley 11 injineerro
Farsiis ah, mar walbana Dowladdu waxay ku eedaysaa inay ka
dambeeyaan Kooxo ku Kacsan Madaxweyanaha Pakistan iyo Maamulkiisa.
RSTV NEWSROOM
|