Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Ruushka ayaa Booqanaya Dalweynaha Shiinaha.

Madaxwenaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho ku tagey waddanka Shiinaha booqashadaas oo qaadan doonta muddo laba Maalmood ah waxaa ay ujeedada booqashaasi ku saabsan tahay sidii uu ugala hadli lahaa madaxda Shiinaha sidii la isaga kaashan lahaa dhinacyada Dhaqaalaha iyo Ganacsiga iyo waliba Shidaalka.

Madaxweyne Putin waxaa uu wada hadalo la yeelan doonaa Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao labada nin waxay kaloo isla soo qaadi  doonaan arrimaha Caalamka ka taagan, iyo arrin ku saabsaneyd khilaaf dhinaca Xuduudka ah oo ay labada dul ku Muran sanaayeen 40kii sano ee la soo dhaafey taasi oo xal laga gaarey sannadkii in dhaafey ka dib markii loo saarey guddi farsamo oo kasoo shaqeynayey  muddo dheer.

Dadka siyaasada indha indheeya waxay saadaalinayaan in laga yaabo inay soo noolaato nidaamkii Shuuciyadda ee burburtey Sagaashanaadkii Mar haddii uu Shiinuhu Hadda Noqonayo Awood Dhaqaale oo xoog leh tartanna la gali kara dalalka horumarey eedhaqaalaha leh  sida Reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga warsugayaa go'aanada ka soo baxa marka uu Putin La kulmo madaxda Shiinaha.

 

RSTV NEWSROOM
Minnesota, USA