|
Qiimaha Saliidda ayaa wax yar hoos u dhacey marka loo eego todabaadkii hore.
Ururka ay leeyihiin Dalalka Saliidda soo saara ee marka lasoo gaabiyo loo
yaqaanno OPEC ayaa shaaca ka qaadey in ay hoos u dhigayaan qiimaha la kala
siisto Saliidda Ceyriin kaasoo Maalmihii in dhaafey Cagacageynayey $60.27
waxaana ay sheegeen in hadda uu noqonayo Qiimaha cusub ilaa $60. Sida
lagu sheegey qiima dhinkan waxaa jirta inaan la badineyn wax soo saarka
Saliidda Ceyriin hase yeeshee waxaa la hagaajinayaa habka Suuq geynta oo si
wanaagsan loola socon doono. Ururka OPEC waxay sheegeen in ay wali jirto
hoos u dhac ka jira habka Saliidda ee Dalaka Ciraaq,Nigeria iyo waliba
Iraan waxaana ay sheegeen iney ku dadaalayaan in ay kaafiyaan baahida
saliidda ee hadda ka jirta Dunida, iyadoo wax soosaarka Saliiddu uu yahay
mid sare laguna qiyaasey 28 milyan oo fuusto Maalintiiba waxaana la filayaa
in uu sidaas sii ahaan doono xilliyadan soo socda. RSTV NEWSROOM |