Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Sarkaal booliska ka tirsan iyo ganacsade maanta lagu dilay Muqdisho.

    (Thursday March 23, 2006)  Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliyeed iyo nin ganacsade ah ayaa maanta lagu dhex dilay gudaha gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen oo marayay agagaarka xaafada Ceymiska ee magaalada Muqdisho.

Labadan nin oo barqanimadii maanta lagu dhex dilay gaari rakaabka ah ayaa waxaa toogtay labo nin oo maleeshiyo ah oo gaariga la saarnaa isla markaana ku hubeysnaa baastoolado.

Mid ka mid ah labada nin ee la dilay ayaa waxaa rasaasta ay ka heleeshay madaxa ayadoo maleeshiyooyinkii falka dilka ah geystayna ay baxsadeen.

Sarkaalkan booliska ka tirsanaa ee la dilay ayaa magaciisa waxaa la oran jiray Cabdi Cali Cilmi .

Dilkan ayaan laogeyn sababaha rasmiga ah ee ka danbeysa laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in salka uu ku hayo weerarada lala beegsanayo saraakiisha ciidamada.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU