|
Muuse Suudi iyo odayaal beeshiisa ka tirsan oo isku mari waayey gacan siinta
Bashiir Raage.
Wasiirka ganacsiga dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya Muuse Suudi
Yalaxow oo xubin ka ah isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeero
argagixisada ayaa waxa uu shalay kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee
Beeshiisa oo ka la hadlayay sidii ay u taageeri lahaayeen dagaalka
isbahaysiga uu kula jiro maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir iyo ganacsade
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan
Odayaasha dhaqanka ee Beesha Daa'uud oo uu kasoo jeedo Muuse Suudi
ayaa ku gacan sayray dalabka wasiirka ganacsiga oo ay ku tilmaameen mid
aysan dan ugu jirin beesha, iyagoo sheegay in aysan doonayn ka qeyb
qaadashada dagaalka ka socda magaalada Muqdisho. Odayaasha dhaqanka Beeshaas
ayaa carabka ku dhuftay in xiligan aysan diyaar u ahayn in ay lug ku
yeeshaan dagaallo sukeeyo oo ku salaysan diin la dirir, iyagoo xusay in ay
qeyb ka qaadanayaan qaboojinta colaada kusoo korortay magaalada Muqdisho oo
ay sheeegeen in ay saameyn ku yeelatay dadka rayidka ah oo ka barakacay
xaafadahooda. Muuse Suudi ayaa kulankaas kala hoyday guul darro iyo niyad
jab, kadib markii uu ku hungoobay qorshahii uu ku doonayay odayaashaas
dhaqanka in ay ku taageeraan dagaalada isbahaysiga uu kula jiro maxaakimta
islaamiga,
iyadoo odayaasha dhaqankana ay ku wargeliyeen maleeshiyooyinka
beesha in aysan ka qeyb qaadan dagaaalkaas oo ay sheegeen in uu ka salaysan
qorshe dhan ka ah danaha beesha oo aan iminka diyaar u ahayn in ay huriyaan
colaad hor leh oo ka dhacda magaalada Muqdisho. inta badan maleeshiyooyinka
Muuse Suudi ayaa diiday in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka socda duleedka
magaalada Muqdisho, iyagoo fulinaya amarka odayaasha dhaqanka oo uga digay
ciddii ka qeyb qaadata dagaalkaas in aysan wax u qaban doonin, taasoo
keentay Muuse Suudi in uu waayo tiro fara badan oo ka tirsan
maleeshiyooyinkiisa.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHO
|