Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Milosevic ninkii ugu Madax adkaa Yurubta Maanta ayaa ku geerooyadey Xabsigii uu ku xirnaa.

Hogaamiyihii Serbiyiinta Yuguslavia Slobodan Milosevic ayaa ku geeriyoodey Xabsi uu ku Jirey 4tii sano ee ina dhaaftey halkaasi oo ay uga socotey Dacwad ku saabsaneyd Xasuuq ka dhan ahaa Dadka laga tirada badan yahay ee ku nool waddankii horey loo oran jirey Yugoslavia.

Meydkii Milosevic oo babuur saaran

 Mr. Milosevic waxaa uu ahaa nin ka tirsanaa Quruunta Sebian-ka loo yaqaano oo iyagu geystey Xasuuq lagu qaadey Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Bosnia iyo Kosovo iyo waliba Croatians  waxaa la sheegaa inuu Maamulkii Milosevic uu laayey dad ku dhow ilaa 300.000 oo qof taasi oo uu kula baxey ama dadka qaar ay ugu yeeri jireen Magaca ah (Butcher of Belgrade).

Slobodan Milosevic waxaa uu ahaa nin ay ku dheer tahay Isla weynida iyo waddinayadda waxna uma ogolayn dadka kale isagoo jeclaa wax walba inay mudnaanta yeeshaan Serbianku, Muddo badan ayaa wadamada Mareykanka iyo Midowga Yurub ugu Baaqeen inuu dajiyo Xaaladda waddankaas, hase dhag uma dhigin waana tii keentey in sannadkii 1999 lagu qaado weerar xagga Cirka ah oo ay qaadeen Gaashaan buurta NATO taasina waxay soo dadajisey inuu Xukunka tago ka dib markii uu doorasho la qabtey Sebtember sanadkii 2000 ayaa looga adkaadey doorashadii waxaana markaasi xafiiska looga eryey Kacdoon Dadweyne bishii Jun 2001 ayaa waxaa loo gacan galiyey Maxkamdda Caalamiga ah ee the Hague halkaasi oo ay ugu furantey dacwad ku saabsaneyd Gabood fal iyo xasuuq dad shacab ah.

Milosevic wuxuu ahaa 64 jir wuxuuna talada waddankiisa qabtey Sanadkii 1990 isagoo hayey ilaa iyo sanadkii 2000.

Milosevic wuxuu ahaa mid ka mid ah dadkii ugu xukun adkaa ee soo mara Qaaradda Yurub. waxaana la sheegaa on Aabihii uu is diley sanadkii 1962 iyadoo sidoo kalena Hooyadii ay is dishey 1974 kii.
 

RSTV NEWSROOM