|
Maxamed Dheere : meelaha aan ka talino lagama taageeraayo dowlada kmg
ah ee Soomaaliya “.
Gudoomiyaha maamulka siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe maxamed Cumar
Xabeeb Maxamed Dheere ayaa sheegay in uusan maamulkiisa ku sinnayn taageero
uu hayo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada ee uu minbar ama xubin buuxda
ka yahay isbahaysigaasi isagoo amaanay wasiirada hubeysan ee magaalada
Muqdisho kuna jira isbahaysigaasi.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar xabeeb ayaa shaaca ka
qaaday in magaalada Jowhar aanay ahayn meel laga taageersanyahay dowlada kmg
ah ee Soomaaliya.
Maxamed dheere oo ah hogaamiye awood ku leh gobolka Shabeelaha dhexe iyo
magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiriirka xumaaday ee u dhaxeeya isaga iyo
madaxweyne C/laahi Yuusuf uu sabab u yahay madaxweyne C/laahi Yuusuf oo uu
sheegay inuu yahay qof aan si mas’uuliyadi ku dheehantahay u dhaqmaynin.
Maxamed Dheere oo wareysi siiyey mid ka mid Idaacada Muqdisho ayaa
sheegay in magaalada Jowhar ay tahay meel aan laga taageersaneyn dowladda
Somalia waxaana uu ku hanjabay in mar dambe Shabeelaha Dhexe aaney iman
Karin mas’uuliyiin sheegta in ay ka tirsan dowlada federaalka kmg ah ee
Soomaaliya .
“Jowhar ma ahan meel laga aqoonsanyahay dowlada kmg ah,mana iman karaan
mas’uuliyiinta dowlada xitaa wado ahaan uma soo mari karaan” ayuu yiri
Maxamed Dheere oo intaasi ku daray “madaxweyne Yuusuf ma ahan qof u dhaqma
sida madaxweyne oo kale ,haatan Baydhabo ayey diiradiisa saarantahay oo uu
doonayaa inuu ka faa’ideyso”.
“Madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ciidamadii uu ka keensaday Puntland ma
aysan muujin tixgelin ku aadan soo dhaweyntii ballaarneyd ee aan u
samaynay,marki ciidankii Puntland ay Jowhar ka tagayeen xitaa ma aanayt na
war gelin taasina waxaa ka daran ilaaladii aqalka madaxweynaha markii ay
shalay tagayeen waxa ay furihii aqalkaasi ay ku tureen horaanta hore ee
guriga ra’isulwasaaraha” ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere oo ay ka muuqatay
caro xooggani .
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere
ayaa sheegay in madaxweyne C/laahi Yuusuf uu haatan abuurayo qilaaf ka
baahsan midka haatan uu doonayo inuu xaliyo .
Maxamed Dheere ayaa dhinaca kale sheegay in uusan wax dhibaato ah u
arkaynin in dowlada ay ka guurto Jowhar isla markaana ay degto magaalada
Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|