|
Maxaakiimta islaamiga ah oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay sii
wadaan difaaca diintooda.
Midowga maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa'id uu
ku qabtay magaalada Muqdisho waxa uu baaq ugu jeediyey shacabka ku dhaqan
magaalada Muqdisho ee ka cararay guryahoodii ka dib markii ay deegaanadii ay
degenbaayeen ay ka dhaceen dagaalo qaraar oo u dhaxeeyey maxaakiimta
islaamiga ah iyo isbahaysiga soo celinta nabada Mqudisho iyo la dagaalanka
argagixisada.
Gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga ah ee gobolka Banaadir Sheekh
Shariif Sheekh Sheekh Axmed oo shirkii jaraa'id ee maanta u aqriyey
saxaafada bayaan wada jir ah oo ay soo wada saareen maxaakiimta islaamiga ah
ayuu ugu yeeray shacabkkii ka qaxay goobihii lagu dagaalamay in dib
guryahooda ay ugu soo laabtaan isagoo u uga tacsiyeeyey shacabka dhibaatadii
ka gaartay dagaalkiii ay kula jireen sida uu hadalka u dhigay qolyaha usoo
tafaxeetay ijaafeynta diinta islaamka iyo doorinta dhaqanka suuban ee
Soomaalida. Gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga waxa uu sidoo kale
shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan difaacida diintooda oo uu sheegay in
haatan dagaal qaawan lagu soo qaaday.
Sheekh Shariif waxa uu dhibatadii dhacday dusha kaga xooray isbahaysiga
sharta iyo sheydaanbka oo uu ula jeedo isbahaysiga la dagaalanka
argagixisada ee dhawaan magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay. Ayadoo
maxaakiimta ay sidan sheegayaan hadanada dhanka kale isbahaysiga la
dagaalanka argagixisada isna waxa uu qasaarihii ka dhashay dagaaladii
Muqdisho usha kaga tuurayaa maxaakiimta taasi oo macnaheedu yahay in dhiiga
maatida ah ee daadanaya uu yahay mid aan xisaabta ku jirin.
Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|