|
Ciidamada maxaakiimta islaamiga ah iyo kuwa ganacsade Abuukar Cumar Caddaan
oo la wareegay gacan ku heynta goobihii ugu muhiimsanaa ee dagaaladu ay ka
dhacayeen.
Dagaal culus oo laysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa
saakay mar kale ka qarxay deegaanadii maalmihii lasoo dhaafay ay ku
dagaalamayeen midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir iyo isbahaysiga
argagixiso la dirirka. Dagaalkan oo galay maalintii 4aad ayaa waxaa uu
saakay mar kale ka bilowday deegaanada Geed Timirka iyo Sheekh Cali C/lle oo
ay isku hor fadhiyeen labada dhinac, iyadoo daryanka madaafiicda laga
maqlayo deegaanada dagaalada ay ka socdaan oo ku yaalla duleedka maaalada
Muqdisho.
Warar laga helayo jiida hore ee dagaalka waxa ay sheegayaan ciidanka
maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir in ay la wareeeen wadada isku xirta
dekada Ceel Macaan iyo magaalada Muqdisho, iyadoo ciidanka maxaakimtana ay
kusii siqayaan deegaanadii fariisinka u ahaa maleeshiyooyinka isbahaysiga
gaar ahaan kuwa Bashiir Raage. Warar goor dhaweyd nasoo gaaray ayaa sheegaya
in maxaakiimta ay la wareegeen garoonkii dayaaradaha ee Cesilay iyo dekedii
ceelcade waxaana haatan deegaanadii lagu dirirayey inta badan ay gacanta ugu
jiraan ciidamada ganacsade Abuukar Cumar Caddaan. Ciidanka maxaakimta
islaamiga gobolka Banaadir ayaa saakay u muuqda kuwo aad u caaboon oo dar
dar xoogan la soo baxay, halka kuwa isbahaysigana ay ka muuqato niyad xumo
iyo rajo beel.
Dagaalkii shalay oo ahaa mid aad u culus oo faraha looga gubtay ayaa
iskiis u istaagay gabalka markuu dhacay, iyadoo labada dhinacna ay xalay
isku ridayeen rasaas goos goos ah oo dhinac kasto ku muujinayo in uu heegan
buuxo ku jiro. Dagaalka saakay oo ku bilowday si goos goos ah ayaa waxa uu
iminka u muuqdaa mid sii xoogaysanaya, iyadoo jiida hore ee dagaalka laga
maqlayo rasaasta oo si weyn isugu dhacaysa, waxaana labada dhinac ay isku
adeegsanayaan gawaarida dagaalka oo ay saaran yihiin lidka diyaaradaha iyo
madaafiicda. Ilaa iminka lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii
saakay ka dhex qarxay labada dhinac, balse waxaa isoo soo taraya khasaaraha
guud ee ka dhashay guud ahaan dagaalka ka socda magaaalada Muqdisho
maalintii 4aad galay. Tirada dhimashada waxa ay kor u dhaaftay 100
dhaawacana waxa uu ka gudbay 200 oo kale, iyadoo ay ku jiraan dadka wax ku
noqday dagaalkaas dad rayid ah oo ay haleeshay rasaasta habawga ah oo ay is
weydaarsanayaan labada dhinac ee dagaalamaya.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|