Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Dheere oo dib usoo habaynaya ciidamadiisa ka dib markii lagu habiyey dagaalkii Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max'ed Cumar Xabeeb Max'ed Dheere kana tirsan isbahaysiga ladagaalanka argigixisada oo ka qeybgalay dagaaladii afartii maalmood ee ina dhaaftay ka socday bariga magaalada Muqdisho ayaa Maanta gaaray tuulada caliyaale oo ka tirsan degmada Balcad isagoo rasaas uqeybiyey Maleyshiyooyin isaga taabacsan oo uu halkaasi geeyey markii shalay laga ceyrsaday deegaanka Galgalato oo ay markii hore joogeen.

Warar laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan Tuulada caliyaale oo waqooyi ka xigta Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maxamed Dheere uu damacsan yahay inuu dagaal kusoo qaado goobaha ay Heystaan Maleyshiyooyinka Maxkamadaha ee taageeraya ganacsade abuukar cadaan si ay Mar kale gacanta ganacsade bashiir raage dib ugusoo noqdaan deegaanadaasi. Maxamed dheere ayaa rasaasta uu qeybiyey kasoo qaaday bakhaaro ku yaala Magaalada Jowhar inkastoo warar aan la hubin ay sheegayan inuu jiro hub Maanta uga yimid dalka Ethopia oo ay saaxiibo yihiin Maxamed Dheere iyo Siyaasiyiin kale oo Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo jira warar sheegaya in Maxamed Dheere iyo maleyshiyadiisu ay caawa soo galaan magaalada si ay udhiirageliyaan kuwa ganacsade Raage iyo hogaamiye kooxeedyada taageersan sida Muuse suudi,Maxamed qanyare,Cumar finish iyo kuwo kale. Diyaargarowga Maxamed Dheere ayaa kusoo aaday xili ay socdo dadaal lagu qaboojinayo dagaalka ay dadka badani ku nafwaayeen ee muqdisho ka socda maalmahan iyadoo ay waxgarad ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ay wadaan sidii xabadjoojin loo dhexdhigi lahaa labada dhinac ee Dirirsan.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU