|
Maxamed Dheere oo ku eedeeyey madaxweynaha inuu si qaldan u
maareeyey hubkii Yaman laga keenay.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dawlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya C/laahi
Yuusuf Axmed in uu gacanta u galiyay hubkii uu ka keenay wadanka Yamen
maleeshiyooyin isaga ka amar qaadata oo ku heyb ah.
Waxaana Maxamed Dheere uu ka codsaday golaha amaanka ee Qaramada Midoobay
in aanay qaadin xariyaaradda hubka ee saaran wadanka Soomaaliya .
Hadalkan ayuu Maxamed Dheere ka sheegay shir jaraa'id uu maanta kuq
qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlada federaalka kmg ah ee Soomaaliya.
Shirkan Jaraa'id uu maanta ku qabtay Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar
Xabeeb Maxamed dheere ayaa uga hadlay xaaladaha ciidan ee dalka gaar ahaan
arimaha hubka.
Maxa'ed Dheere ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya in uu hub soo
galiyay gudaha wadanka Soomaaliya kaasi oo uu kala yimid sida Maxamed Dherer
hadalka u dhigay Yemen gacantana uu u galiayay maleeshiyooyin uu kala yimid
gobolkiisa oo kasoo jeeda beesha uu u dhashay isagoo xusay in ciidankaasi
aan lagu tilmaami karin ciidan qaran.
Gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa mar uu ka hadlayay ciidamada ku
xareysan Xerada Congo ee duleedka Jowhar waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin
ciidamo beeleed oo laga keenay gobolada Puntland isla markaana aanu aheyn
kuwo qaran maadaama aan laga wada keenin 18-ka gobol ee dalka.
Maxamed Dheere ayaa dhinka kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan
garab istaagin shaqsiyaad uu tilmaamay in lagu soo tababaray dalalka
Afghanistan iyo kuwo dambiilayaal ah oo ka tirsan urur weynaha Alqacida oo
ku dhuumaaleysanaya gudaha Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay fowdo iyo
qas ka hurinayaan gudaha dalka, isla markaana ay ka soo horjeedaan qaran
Somaliyeed oo iskiis isu taaga.
Mar saxaafada ay wax ka weydiisay Maxamed Dheere in isbaheysiga la
dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ay kulan ku yeesheen Jowhar ayaa
waxa uu beeniyey in isbaheysiga ay kulan ku yeesheen magaalada Johwra balse
ay ku kulmeen degmada Deyniile.
Maxamed Caadde.
RSTV NEWSROOM
|