Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Burcad badeed Soomaali ah oo markab shidaal ka qafaalatay xeebaha u dhaxeeye Banaadir iyo Galgaduud.

Burcad Badeed Somali ah ayaa waxaa lagu soo warrmaya in ay afduubteen markab lagu magacaabo MT Line oo kuwa shidaalka qaada ah oo indhawaalaba ku xirnaa dekadda Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho oo looga rogay shidaalkii uu siday.

Afduubka markabkan oo ay la socdeen 32 shaqaale oo u dhashay dalka Philipin ayaa waxaa la sheegaya in uu ka dhacay meel aan ka fogeyn dekadda Ceel Cadde oo uu markabku ka shiraacday maalintii shalay, iyadoo burcad badeedana ay afduubteen isla duhurnimadii shalay sida laga soo xigtay howl wadeenada Dekadda Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho oo iminka gacanta ku hayaan ciidanka Shirkadda Banaadir.

Lama garanayo halka burcad badeeda ay u kaxeysteen markabkan iyo shaqaalihii la socday, balse waxaa loo badinayaa burcad badeeda in ay u kaxeysteen degmada Xaradheere oo inta badan la geeyo marakiibta lagu afduubto biyaha dalka Soomaaliya.

19kii bashan aanu ku jirno ayay ahayd markii iska hor imaadyo hubaysan uu dhex maray ciidamada maariiniska Maraykanka iyo rag looga shaki qabo burcad badeed in ay yihiin, taasoo sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawac soo gaaray 5 kale.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU