Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markab kaalmo WFP ay soo dirtay sida oo kusoo xirtay dekeda Marka.

Markab u raranaa hay'adda WFP oo sida raashin gargaar ah ayaa maanta ku soo xirtay marsada magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha hoose xili deegaano gobolkaasi ka tirsan iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka tirsan abaari laga soo sheegayo.

Markabkan oo magaciisu yahay MV Rosan oo ka soo shiraacday dekedda magaalada Mombasa ayaa waxa uu sidaa 1427 mitric tan oo isugu jira bariis, galey iyo digir waxaana loogu talo galay in la gaarsiiyo dadka abaarahu ku hayaan gobolada Koonfurta Somalia.

Baraamijka cunnada aduunka WFP ayaa maalmihii ugu dambeyey waxa uu raashin mucaawino ka qeybinayey deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolada Jubooyinka oo ay ka jiraan abaaro xoooggan oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Deeqdan maanta WFP ay kasoo dejisay ayaan aheyn midd ugu horeysay ee kasoo degta gobolka Shabeelaha hoose.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM