|
Mareykanka oo ku howlan sidii maxkamad uu usoo taagi lahaa burcadii Sabtidii
lagu qabqabtay xeebaha Soomaaliya.
Ciimaddaa maariiniska Maraykanka ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan
is rasaasayntii ka dhacday maalintii sabtida xeebaha Soomaaliya, taasoo dhex
martay ciimada Maraykanka iyo rag looga shaki qabo in ay ahaayeen burcad
badeed Soomaali ah.
Jenaraal Charlie Brown oo kamid ah taliyayaasha ciidamada Marayknka ayaa
sheegay baaritaanada lagu hayo ragan looga shaki qabo burcad badeeda in uu
socdo, isagoo tibaaxay qeyb kamid ah baaritaanada in diiradda lagu saarayo
qaabka iyo goobta maxkamada lagu soo taagayo ragan.
Jenaraalka waxa uu intaa kudaray 5 kamid ah 12 qof ee gacantooda kujirta in
iminka la daweynayo, isagoo carabaabay in ay kala wareegeen
maleeshiyooyinkaas hubkii ay wateen oo isugu jiray baasukayaal iyo qoryo
gacmeedyo.
Hay’ada caalamiga ah ee u dhuun daloosha falalka burcad badeeda ee marka
lasoo gaabiyo loo yaqaano IMB ee fadhigoodu yahay magaalada London
warbixintii todabaad laha ah oo ay kasoo saarto falalka burcadnimada badda
ee ku beegnayd 7da ilaa 13ka bisha march waxa ay ku sheegtay ilaa 39 fal oo
burcadnimo ah in ay ka dhaceen biyaha dalka Soomaaliya tan iyo bartimihii
bishii march ee sanadkii laga soo gudbay.
Horaantii bishan aanu ku jirtno qoraal uu soo saaray xoghayaha guud ee QM
Kofi Annan waxa uu ku booriyay howl gallada lagu la dagaalamayo burcad
badeeda oo ay ciidamada maariiniska Maraykanka ka wadaan xeebaha Soomaaliya
in ay laba jibaaraan si looga hortago burcad badeeda caqabada ku ah
shixnadaha gar gaarka ee loogu tala galay dadka abaaruhu ay ku hayaan qeybo
kamid ah dalka Soomaaliya iyo guud ahaan geeska afrika.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|