Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maamulka Gobalka Sh/Dhexe ayaa sheegay iney lacago Deyn ah kala tagtay Dowlada FS Gobalka Sh/Dhexe.

Maxamed Cumar Xabeeb "Max'ed Dheere" Gudoomiyaha siyaasada gobalka Sh/Dhexe ayaa waxa uu xusay iney Daqar aad u culus ka soo gaartay joogitaanka dowlada FS qeybo ka mid ah gobalka Sh/Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobalkaasi.

Max'ed Dheere oo ka hadlayay xaflad lagu maamuusayay 5 sanno ka hor markii uu la wareegay maamulka gobalka Sh/Dhexe ayaa waxa uu xusay in gobalka Sh/Dhexe lacago deyn ah oo gaaraya ilaa 9 Bilyan oo doolar ay ka deyn sadeen gobalka qaar ka mid masuuliyiinta dowlada FS ee ku sugnaa magaalada Jowhar.

Xafladda sanadguuradii 5aad ee ka soo wareegtay markii gobolka Sh/dhexe uu la wareegay maamulkeeda Maxamed dheere ayaa xalay aheyd mid ka duwan sanadkii hore, oo Maxamed Dheere ay kala qeybgaleen xuskeeda xubno sar sare ee dowladda FS ka tirsan.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda FS ay u wareegtay gabi ahaan magaalada Baydhabo, waxa uuna dib u jaleecay sidii uu ugu martigaliyay magaalada Jowhar iyo sida uu tilmaamay in ay qalad tahay in loogu abaal gudo waa sida uu hadalka u dhigay.

Max'ed Dheere oo ay ka muuqatay shucuur aad u kacsan waxa uu ugu qudbeynayay fagaaro ah isagoo kala hadlayay dadweynaha ku dhagan gobalka Sh/Dhexe.

Max'ed Dheere gudoomiyaha siyaasada gobalka Sh/Dhexe ayaa intaasi raaciyay Maamulka gobalka Sh/Dhexe iney si haboon ay hada waxii ka dambeeya u eegi doonaan hab dhaqanka siyaasadeed ee u shaqeyneysa dowlada FS.

Walooow maalmahaan uu saxaafada horteeda uu ku dhaleeceynayay madaxweyna dowlada FS C/laahi Yuusuf Axmed isagoo eedeyn kulul usoo jeedinayay qorshayaashiisa la xiriira cunaqabateynta hubka Somaliya sidii loo qaadi lahaa ayaa ka digay dhibaatooyin colaadeed oo dalka dib uga dhaca, isagoo codsaday in loo baahan yahay maskaxda in ay shaqeyso waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkaan ka soo yeeray xalay Gudoomiya siyaasada gobalka Sh/Dhexe Max'ed Cumar Xabeeb "Max'ed Dheere" ayaa dhamaan shacabweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho ay saakay ku qaxweynayeen.


Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia
abdifitahaam@yahoo.com
Cell Phone: +2521277001