|
Maleeshiyooyinkii Daynuunay lagu xareeyey oo mushaaraad loo qeybiyey.
wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya maliishiyooyinka
RRA-da ee lagu xareeyay duleedka magaalada Baydhabo in gelinkii danbe ee
shalay loo qeybiyay lacago mushaaraad ah.
Lacagahan loo qeybiyay maliishiyooyinkan ayaa waxaa bixiyay barnaamijka
QM u qaabilsan dhinaca horumarinta UNDP oo kaalin muuqata uga jirta gacan
qabashada dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya, iyadoo horayna lacago
mushaaraad ah ugu qeybisay xildhibaanada baarlamanka fedaraalka kmg ah ee
Soomaaliya.
Wasiirka beeraha Xasan Max'ed Nuur Shaati Guduud iyo xildhibaan Max'ed
Ibraahim Xaabsade oo lacagahaas u qeybiyay maliishiyooyinka RRA-da ee lagu
xareeyay xerada Deynuunaay ayaa u sheegay in mustaqbalka ay kubiiri doonaan
ciidamada qaranka Soomaaliyeed, waxa ayna gaarsiiyeen maliishiyooyinkaas in
laga sugayo howl baaxad leh.
Maliishiyooyinkan lagu xareeyay duleedka magaalada Baydhabo oo tiradoodu
3,000 oo ruux ayaa waxa ay halkaasi ku qaataan tababaro, iyadoo la doonayo
in ay qeyb ka noqdaan ciidamada qaranka.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|