Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyooyin hubeysan oo xalay dilay taliyihii maleeshiyooyinka wasiirka hub ka dhigista.

Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa xalay u dhacay guri uu deganaa taliyihii maliishiyooyinka daacada u ah wasiirka dhaqan celinta maliishiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, taasoo keentay in uu geeriyoodo taliyahaas.

Falkan oo ka dhacay degmada Hiliwaa ayaa la sheegaya in ay sidoo kale ku geeriyootay haweenaydii u qabay, halka warar kalena ay sheegayaan in haweenaydaas ay dhaawacantay.

Taliye maliishiyeedkaas oo la oran jiray Saciid Axmed Siyaad ayaa ilaa iyo weli la garanayn sababaha loo qaarijiyay, mana jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas.

Falkan lagu qaarijiyay ayaa kusoo beegmay xilli xiisado ay u dhaxeeyaan midowga maxaakimta islaamiga iyo maliishiyooyin daacada u ah wasiirada hubaysan ee Muqdisho oo ku bahoobay isbahaysiga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Maxamed Cadde..
RSTV NEWSROOM
Mogadishu