|
Maleeshiyooyin ay leeyihiin 3-da hogaamiye ee ugu sareysa dowlada oo dhawaan
dalka dibadiisa tababar loogu qaadayo.
Warar laga helay ilo muhiim ah oo ku dhaw dhaw xubnaha dowladda ayaa
sheegaya maleeshiyooyin tiradoodu lagu qiyaasay 150 ruux oo ilaale u noqon
doona masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda in tababar loogu qaadi doono dalka
dibadiisa maalmaha soo socda.
Wararka ayaa waxa ay intaa kudarayaan in 70 kamid ah maleeshiyooyinkaas
ay ilaale gaar ah u noqon doonaan madaxweyne C/llaahi Yuusuf halka min 40
kalena ay ilaale u noqon doonaan ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geeddi iyo
gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana maleeshiyooyinkaas oo loo
qaadi doono magaalada Mombasa ee dalka Kenya qarashka ku bixi doona bixin
doona dalalka deeqaha bixiya.
Hayeeshee waxaa soo baxaya muran iyo is qab qabsi ka dhashay
maleeshiyooyinka ilaalada u noqonaya gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan
Sheekh Aadan oo nasiib u yeeshay in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee loo
qaadayo tababarkaas, iyadoo beelaha Digil iyo Mirifle ay si weyn ugu
muransan yihiin qaabka loo qeybsanayo maleeshiyooyinkaas fursadaha tababar
loo ballan qaaday.
Maleeshiyooyinkan loo qaadayo tababarka ee ilaalada u noqon doona Shariif
Xasan ayaa waxaa la sheegayaa qaar kamid ah masuuliyiinta beelaha Digil iyo
Mirifle in ay saluugsan yahay qaabka loo qeybsaday maleeshiyooyinkaas oo
ahaa mid qabiil, iyagoo ku doodaya in la sameeyay sad bursi iyo wax isdaba
marsiis, waxa ayna ku warrameen in ay muhiim tahay fursadahaas in si siman
loogu qeybiyo beelaha Digil iyo Mirifle oo aan hal beel loo badin, halka
beelo kalena lagu qadiyo qeybsiga maleeshiyooyinkaas.
Masuuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa u socda kulamo gooni
gooni ah oo ay ka yeelanayaan soo afjarida khilaafkan ka dhashay qeybsiga
maleeshiyooyinkan loo qaadayo tababar lagu soo siinayo dalka dibadiisa,
waxaana muuqata in beelaha qaarkood oo lagu qadiyay qeybisga
maleeshiyooyinkaas in aysan la dhacsaneyn qaabka wax loo qeybsaday, taasoo
keeni karta muran hor leh in uu soo kala dhex galo beelaha Digil iyo Mirifle
oo dhowr jeer ugu dagaalamay gacan ku haynta magaalada Baydhabo.
Ma cadda ilaa iyo iminka maleeshiyooyinka ay dirsan doonaan madaxweyne C/llaahi
Yuusuf iyo ra'iisal wasaare Geedi iyo sida ay noqonayaan, inkastoo la filayo
in ayagana lagu dhameeyo qaab qabiil oo lamid ah tan ay wax ku qeyb sanayaan
beelaha Digil iyo Mirifle.
Si kastaba ha ahaatee maleeshiyooyinka loo qaadayo magaalada Mombasa ayaa
waxa ay noqonayaan raacii 2aad oo tababar loogu qaado dalka dibadiisa,
iyadoo horay dalka Uganda loo qaaday maleeshiyooyin loo tababarayay in ay ka
mid noqdaan ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|