Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maleeshiyaad cusub oo caawa markii ugu horeysay seexanaya xerada Daynuunaay ee duleedka Baydhabo

Gawaarida waa weyn ee xamuulka iyo kuwa tiknikada loo yaqaano ayaa galabta la’arkayay ayagoo ka sii baxaya magaalada oo kusii jeeda dhinaca xerada Daynuunaay ee duleedka Baydhabo

Maleeshiyaad tiradooda kor udhaafaysa 450 maleeshiyo hubaysan iyo in kabadan 350 qofood oo kamid ahaa ciidankii hore ee xooga dalka soomaaliyeed ayaa galabta loo daadgureeyay xerada Daynuunaay oo ay ku jiraan qaar kamid ah maleeshiyaadkii laga saaray maalmo kahor magaaladaan baydhabo.

Ku daabulitaanka maleeshiyada iyo qaar kamid ahaa ciidankii hore xarada Daynuunaay galabta ayaa ka dambaysay kadib markii magaalada soo gaareen maleeshiyaad tiro badan oo kayimid xaga iyo baadiyaha ku waasoo raba in ay kamid noqdaan ciidamada qaranka soomaaliya.

Wasiirka beeraha xasan maxamed nuur shaati guduud, xildhibaan xaabsade iyo Aadan saran soor ayaa galabta u caraabay dhanka iyo day nuunaay si ay usoo dejiyaan maleeshiyaadka kusii qul qulaya xerada daynuunaay.

Ma’uuliyiintaan galabta aaday daynuunaay ayaa lasheegay inuu safarkooda ahaa mid deg deg ah oo madax weyne cabdulaahi yuusuf ku amray inay soo indha indheeyaan xaalada ciidanka xeradaasi kujira kuwaasoo isla markaana madaxweynuhu ka cod saday in masuuliyiintaasi ay soo dajiyaan maleeshiyaadka xeradaasi ku jira.

Isla caawa ayaa lagu wadaa in wasiirka, xildhibaanka iyo siyaasiga intaba isla caawa ku soo laabtaan magaalada baydhabo warbixina ka keenaan xaalada nolosha iyo dhaqanka maleeshiyaadka daynuunaay lagu xareeyay.

Wuxuuna kusoo aaday safarkaan mas’uuliyiintaan iyo maleeshiyaadka caawa ku hoyday xerada Nuunaay xili ay maanta magaalda baydhao si toos ah ugu furmay kalfadhigii baarlamaanka xarunta ADC ee magaalada Baydhabo

Fahad Maxamed Abukar
Fahadbaay@hotmail.com