|
Madaxweynaha Liberia Ayaa Booqasho ku imaan Doonta Mareykanka.
Hogaamiyaha Liberia Mrs Johnson-Sirleaf ayaa Booqasho ku tageysa waddanka
Mareykanka Haweenyadaas oo ah qofkii ugu horeeyey ee dumar ah ee loo doorto
inuu hogaamiyo waddan Afrikaan ah ayaa la filayaa iney la kulanto
Madaxweynaha Mareykanka George Bush iyo madax kale oo ka tirsan Mareykanka.
Mrs Johnson-Sirleaf waa Booqashadii ugu horeysey ee ay ku Timaaddo
Mareykanka tan iyo Intii l oo Caleema saarey Madaxtinimada Liberia Bishii
Janaayo ee in Dhaaftey. Mrs.Sirleaf waxay Khudbad ka Jeedin doontaa
Aqalka Congareeska iyadoo ka codsan doonta in Maalgelin lagu sameeyo
Waddankeeda oo ay Dagaaloo Sokeeyo Curyaamiyeen, waddankaasi oo ay deggan
yihiin Dad kasoo Jeeda Dadkii madoobaa laga soo Rarey Mareykanka
sanadkii 1822. sida Muuqata waxaa dhici kareys ainay ka dhaadhiciso Dawladda
Mareykanka inay Door muuqda ka qaadato Dib u dhiska Libeeriya Mar haddii
ay Libeeriya Cagta saartey waddadii Dimoqraadiyadda Nabad buuxda laga rajo
qabo inay ka hanqaaddo Libeeriya. RSTV NEWSROOM
|