|
Madaxweyne Yuusuf iyo Shariif Xassan oo kulamo la qaatay xubnaha golaha
barlamaanka.
Madaxweynaha Dowlada kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed, ayaa
maanta barqadii kulan isagu yeeray xubnaha laba gole ee ka yimid magaalada
Muqdisho, isagoo kala hadlay arrimo la xiriira sidii si wada jir ah loogu
wada shaqeyn lahaa shacabka iyo sidii dowlada ay cagaheeda isy taagi lahayd
loona xalin lahaa khilaafka jira.
Xubnaha maanta kulanka la qaadatay madaxaweynaha ayaa tiradooda waxaa
lagu sheegay 70 xubnood in ka badan oo uu horkacyey ra’iisal wasaare ku
xigeenka dowlada kmg ah Maxamed C/laahi Jaamac Sifir ayagoo madaxweynaha ku
qaabilay gurigiisa.
Kulanka madaxweynaya iyomudanayaasha baarlamaanka ee Muqdisha ka yimid ayaa
waxa uu ahaa mid ay albaabada ulaabnaayeen oo saxaafada loo diiday in ay wax
ka ogaato.
laakiin kulankaasi ka dib ayaa xildhibaan Cumar Xaashi Aadan waxa uu
saxaafada u shegay in madaxweynaha ay kawada hadleen sidii sare loogu qaadi
lahaa wada shaqeynta xubnaha baarlamaanka.
Dhinaca kale gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna
hoygiisa magaalada Baydhaboku qaabilay xubanaha labada gole ee ka yimid
magaalada Jowhar isagoo kala hadlay sidii loo iloobi lahaa qilaafaadka
labada gole kala dejiyey Muqdisho iyo Jowhar.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|