Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

      Maxamed Dheere oo gaaray magaalada Adis ababa.

Gudoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb(Maxamed Dheere)ayaa la sheegay inuu Maanta Gaaray Magaalada Adis ababa ee Caasimada Dalka Ethopia,iyadoo laga yaabo iney Magaalada Adisababa Gaaraan Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sahriif Xasan sheekh iyo Raisalwasaare Cali Maxamed Geedi. Wararka ka imaanaya Magaalada Adisababa ayaa sheegaya in Madaxdaasi ay lakulmi doonaan Madax ka tirsan dawlada Ethopia si ay uxaliyaan madmadow ku dhexjira Maxamed Dheere iyo laba ka tirsan sadexda mas,uul ee ugu sareysa Dawlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cumar Maxa,med Dheere ayaa soo maray Magaalada NAirobi isagoo shalay kasoo duulay Magaalada Jowhar oo ay Gacanta ku hayaan Maleyshiyo isaga daacad isagoo ka mid ahaa Hogaamiyekooxeedyada looga adkaaday dagaalkii muqdisho.

Maxamed Dheere ayaa ka xumaaday hadaladii ay warbaahinta kasii daayeen Madaxweynaha iyo Raisalwasaaraha oo ay ku weerareen Hogaamiyekooxeedyada Muqdisho oo ay ku eedeeyeen iney Haween iyo Caruur Madaafiic ku laayeen iyagoo ugaarsanaya shaqsiyaad argigixiso lagu tilmaamay.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU