Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxamed Dheere oo maanta socdaal deg deg ah ugu kicitimay magaalada Nairobi.

Gudoomiyaha maamulka siyaasada gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo maalmihii ina dhaafay oo dhan ku sugnaa deegaano ku yaalla gobolka Shabeelaha dhexe oo magaalada Muqdisho ku dhow isla markaana abaabul dagaal halkaasi ka waday ayaa maanta si kadis ah ugu duulay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayadoo aan la shaacin ujeedada rasmiga ah ee ka danbeysa socdaalkiisa.

Warar aan ka helayno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maxamed Dheere ay duhurenimadii maanta u timid dayaarad gaar ah oo kasoo kicitintay magaalada Nairobi .

Warar isburinaya ayaa kasoo baxaya ujeedada Maxamed Dheere uu ugu socdaalay magaalada Nairobi waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Maxamed Dheere uu kulamo halkaasi kula soo qaadan saraakiil CIA ka tirsan oo qaabilsan la dagaalanka argagixisada maadaama uu ka mid yahay xubnaha ugu firfircoon ee ururka la dagaalanka argagixisada ayadoo warar hoose oo kalena ay tilmaamayaam in Maxamed Dheere uu kulamo kula qaadan doono magaalada nairobi madaxweynaha iyo ra'isaulwasaaraha Soomaaliya oo haatan ayagu ku sugan magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan si loo dhameeyo qilaafka xooggan ee soo kala dhex galay labada dhinac waxaana qorshahan wada sida wararku sheegayaan midowga yurub iyo dowlado afrikan ah.

Socdaalka Maxamed Dheere ayaa kusoo beegmay xili xiisado dagaal ay ka jiraan deegaano ka mid ah gobolka Shabeelaha dhexe iyo magaalada Muqdisho ayadoo dagaalkaasina uu u dhaxeeyo ciidamo kala taabacsan maxaakiimta islaamiga ah oo taageero ka helaya ganacsatada gobolka Banaadir iyo isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU