|
Yuusuf Dabageed oo maanta la wareegay gacan ku heynta degmada Buulo Burde.
Waxaa maanta degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha
Soomaaliya si xoog ah kula wareegay gacan ku heynteeda maleeshiyooyin uu uu
horkacayo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed .
Dabaged ayaa gacan ku heynta degmada Buulo Burde kala wareegay
gudoomiyihii hore ee degmada Buulo Burde Cabdi Iidow Sabriye ayadoo la
sheegay in labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad aan la shaacin
qasaarihii ka dhashay .
Ayadoo Dabageed uu awood Militari kula wareegay gacan ku heynta degmada
Buuloburde ayaa hadana wararka degmada Buulo Burde ka imanaya waxa ay
sheegayaan in gudoomiyihii hore ee degmadaasi uu weli degmada dhinac ka mid
ah ku sugan yahay ,waxaana dadka degmada ay cabsi ka qabaan in dagaal hor
leh uu labada dhinac maro.
Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay in uu weerarka ku qaaday degmadaasi ka
dib markii gudoomiyaha degmada Buulo Burde uu diiday inuu xilka degmadaasi
soo wareejiyo,waxaana tallaabadan ay imanaysaa xili lagu guul dareystay waan
waan labada dhinac ay ka dhex wadeen odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Ka dib la wareegida Dabageed ee Buuloburde waxaa soo baxay cambaareyno
kala duwan oo falkaasi Dabageed uu ku dhaqaaqay loojeedinayo,xildhibaano uu
ka mid yahay Axmed Cumar Gaagaale oo maanta shir jaraa'id ku qabtay
magaalada Baydhabo ayaa falkaasi si weyn u cambaareeyey waxaana ay ku
tilmaameen qorshe uu ka danbeeyo ra'isulwasaaraha dowlada kmg ah eee
Soomaaliya.
Yuusuf Dabageed ayaa degmada Buulo Burde ku weeraray illaa 7 gaariookuwa
dagaalka ah ayadoo markii uu la wareegay degmada uu rasaas xooggan kor u
riday si uu u kala ceyriyo shaqaalihiika howlgalayey xafiisyada degmada.
Maxamed Cadde..
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|