Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ay baydhabo ku yeesheen ku kala dareeray.

Gudoomiyekuxigeenka Golaha Baarlamaanka KMGah ee Soomaaliya Prof Maxamed Cumar dalxa ayaa Maanta Markii ugu horeysay Shirgudoomiyey kulankii Baarlamaanka kadib markii uu shalay Magaalada Nairobi Gaarau gudoomiyaha Baarlamaanka shariif xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ayaa Maanta Mar kale isku qilaafay qaabka ay uqeybsanayaan Gudoomiyayaasha iyo Gudoomiyekuxigeenada Gudihoosaadyada Baarlamaanka uu yeelanayo,Prof dalxa oo kulankaasi kadib la hadlayey saxaafada ayaa sheegay in bari mar kale dib laysugusoo noqon doono Fadhiga maadaama buu yiri Qaabka awood Qeybsiga uu noqonayo Qaabkii xukuumada loo qeybsaday.

Maanta ayaa Waxaa ka muuqday kulanka xildhibaanada Buuq ka yimid qaar ka mid ah Mudanayaasha oo qaab beeleed ku doodayey waxaana Beelaha loogu qeybiyey sidan soosocota.

Beesha Dir 4 gudoomiye.

Beesha Hawiye 4 gudoomiye.

Beesha Daarood 3 gudoomiye.

Beesha Raxanweyn 2 gudoomiye.

Iyo hal gudoomiye oo aan weli cid la siin.

iyadoo beelaha shanaadna ay ku guuleysan Waayeen doorashada, waxaana labadii xubnood oo ay lahaayeena lakala siiyey beelaha Hawiye iyo Dir.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad Max’ed Cumar Dalxa ayaa uga warrmay saxaafada dib u dhaca ku yimid magacaabista gudoomiyayaasha guddiyadan, isagoo xusay in xilalka loo qeyb sanayo 4.5 oo ay kawada dharagsan yihiin xildhibaanada baarlamanka.

Prof. Dalxa waxa uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay maalinta berrito ah in ay soo afjaraan arrinta ku saabsan magacaabista gudoomiyayaasha guddiyada baarlamanka.

Kulanka maanta baarlamanka uu yeeshay ayaa kusoo beegmay xilli gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu shalay ka dhoofay magaalada Baydhabo, isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi oo uu kagasii gudbi doono magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU