Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulan arimaha argagixisada looga hadlayo oo dhawaan Jowhar ka dhici doona.

Warar laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegtay Kulan looga hadlayo ladagaalanka waxa loogu yeero argagixisada in maalmaha soo socda uu ka dhici doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin kasocota dalalka Maraykanka, Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya, iyadoo kulankaasina diirada lagu saari doono wax lagu sheegay argagixiso firiisimo kuleh dalka Soomaaliya.

Kulankan ka dhacaya magaalada Jowhar ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa in ay kasoo qeyb galaan madaxweynaha dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo ra’iisal wasaare Cali Max’ed Geeddi.

Shirkan dhex maraya wufuuda ka kala socda dalalkaas iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu jeex jeexi doonaa tuhunka Maraykanka ay ka qabaan dalka Soomaaliya in ay ku dhuumaalaysanayaan dagaalyahano shisheeye ah oo lagu sheegayo in ay katirsan yihiin ururada argagixisada sida ururka Alqaacida.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya maalmo yar uun kadib markii garoonka magaalada Jowhar uu kulan ku dhex maray saraakiil kasocota Laanta Sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo qaar kamid ah xubnaha isbahaysi la magac baxay soo celinta nabada iyo ladagaalanka argagixisada oo lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho 18kii bishii February oo ay ku bahoobeen qaar kamid ah wasiirada hubaysan ee Muqdisho iyo ganacsato, kuwaasoo dagaal la galay midowga maxaakimta islaamiga gobolka banaadir.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM