|
Kofi
Anan oo walaac ka muujiyay qafaalashada burcad badeeda Soomaalida ay ka
wadaan xeebaha Soomaaliya .
Xoghayaha guud ee QM Kofi Annan ayaa shaaca ka qaaday falalka afduubka ah
oo ay burcada badeeda Soomaaliyeed ka gaysanayaan xeebaha Soomaaliya in ay
caqabad weyn ku yihiin dadaaallada lagu doonayo gar gaar deg deg ah in lagu
gaarsiiyo dadka abaaruhu ku hayaan qeybo kamid ah dalka Soomaaliya.
Kofi Annan oo qoraal kasoo saaray xaruntiisa magaalada New York ayaa
sheegay dadka ku tabaalaysan dalka Soomaaliya gar gaarka loo sii marsiin
doono dhinaca dhulka, taasoo ay ugu wacan tahay buu yiri falalka burcad
badeeda Soomaaliyeed ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.
Kofi Annan waxa uu muujiyay cabsida laga qabo in burcad badeeda
Soomaaliyeed ay dhac u gaystaan maraakiibta gar gaarka u sida dadka abaaruhu
ku hayaan dalka Soomaaliya.
Hadalka Kofi Annan ayaa soo baxay maalin uun kadib markii maalintii axada
ahayd burcad badeed Soomaali ah ay ka afduubteen xeebaha Soomaaliya markab
laga leeyahay dalka India oo ay lasocdeen 25 shaqaale oo kusii jeeday dekada
Ceel Macaan, isagoo kasoo shiraacday dekada magaalada Kismaayo.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
|