|
Kulankii ay yeeesheeen isbaheysiga ladagaallanka Argagixisad oo lagu
magcaabay Afhayeen.
Isbahaysiga la magac baxay soo celinta nabada iyo la dagaalanka
argagixisda ayaa waxa ay maanta kulan kuyeesheen deegaanka Dayniile ee
xarunta wasiirka amniga qaranka, iyadoo kulankii
maantana looga hadlay arrimo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaya.
Kulankii maanta oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan xubnaha isbahaysga iyo
Max’ed Dheere oo sheegay taageero in uu yahay isbahaysigaas ayaa waxaa lagu
magacaabay afhayeenka isbahaysigaas oo laga dhigay Xuseen Guutaale Raage.
Max’ed Dheere oo ;a hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay ku ballameen wax
ka qabashada amaan darrada ka jirta dalka iyo la dagaalamida shisheeyaha
firxadka ah ee ku dhaamalaysanaya gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan
magaalada Muqdisho.
“waxaan kasoo saarnay kulankii maanta magacaabista afhayeenka isbahaysiga
iyo ka baaraan degida wax ka qabashada amaan darrada ka taagan dalka iyo la
dagaalamida argagixisada gabaad ka dhiganaya shaqsiyaad la duufsaday” ayuu
yiri Max’ed Dheere oo intaa kudaray in ay bartilmaameedsanayaan shaqsiyaadka
hoyga siiya argagixisada, iyagoo aan waxyeeleynayn shacabka Soomaaliyeed.
Max’ed Dheere mar uu ka hadlayay waan waan la sheegay in laga dhex wado
isaga iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxa uu ku jawaabay in taasi aysan
ahayn mid si xowli ah ku socota, isagoo rajo xumo ka muujiyay in dowladda
mar kale ay dib ugu soo laabato magaalada Jowhar, waxa uuna heshiis uu la
galo dowladda shuruut uga dhigay in talada laga dhigo mid wadaag ah oo aan
ku koobnayn hal qof.
Max’ed Dheere ayaa kulankaas kadib dib ugu laabtay magaalada Jowhar,
isagoo sheegay in kulankii maanta uu kusoo dhamaaday jawi aad u wacan.
Kulankii maanta ee isbahaysiga ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan madaafiic
ay isweydaarsadeen ciidamada isku horfadhiya aaga hore ee goobihii horay ugu
dagaalameen midowga maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga la dagaalanka
argagaixisada.
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|