Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

India oo ku hanjabtay tallaab militari in ay qaadeyso haddi au guul dareystaan wadahadalada la doonayo in lagu soo daayo markab wadankaasi laga leeyahay oo xarardheere lagu heysto.

Ciidamadda Badda ee wadamka India ayaa diyaariyay qorshe ay ku soo furanayaan shaqaalaha iyo markab India laga leeyahay oo lagu heysto xeebaha woqooyi ee wadanka Soomaaliya gaar ahaan xeebaha degmada Xarardheere oo ayadu noqotray meelaha maraakiibta lasoo afduubto lagu soo hago.


Ciidamadda Badda ee India ayaa la sheegay in ay u diyaar garoobeen oo ay qaadi doonaan howl gal miliatari oo ay ku soo furanayaan 21 shaqaale Hinduus ah iyo 11 kale oo bad maaxayaal ah oo kooxo burcad badeed Soomaali ah ay ku afduubteen xeebaha Soomaaliya dabayaaqaddii bishii tagtay ee February laakiin tallaabtan ayaa la qaadi doonaa haddii ay fashilmaan wadahadalada iminka socda.

Toban nin oo aad u hubeysan ayaa gacanta ku dhigay markabkan oo magaciisa lagu sheegay Bhaktisagar xilli uu marayay meel ku dhow magaaladda Xaradheere oo ku taalla woqooyiga magaalada Muqdisho ,waxaana maleeshiyooyinkan ay dalbadeen in markabka laga siiyo lacag madax furasho oo gaareysa 300,000 oo doolar .

Sarkaal u hadlay ciidamadda badda India ayaa sheegay in inkastoo ay socdaan wadahadalao ay ku lug leeyihiin danjiraha India u fadhiya Kenya iyo shirkadda iska leh markabka hadana waxaan meesha ka marneyn tallaab milatari haddii wadahadaladaasi ay fashilmaan.

'Maraakiibteena dagaalka ee ciidamadda badda waxay ku gaari karaan degmada Xarardheere labo cesho,waxaana jira qorshe la diyaariyay oo loogu magac daray (booqo, weerar, baaritaan iyo gacan ku dhigid) ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkani u hadlay ciidamadda badda ee India isaga oo u waramayay jariiradda Hindustan Times ee ka soo baxda dalka Hindiya.

Laakiin sarkaalkan waxa uu sheegay in ay marka hore ka dalban doonaan xukuumadda Soomaaliya fasax in ay u siiso gelida biyaha Soomaaliya maadaama afduubka uu ka dhacay biyaha Soomaaliya ee uusan ka dhicin biyaha caalamiga.

Afhayeenkan u hadlay ciidanka badda India waxuu sharaxaad ka bixiyay in labo markab loo diri doono oo labaduba ay fariisan doonaan masaafo xoogga ka fog xarardheere ka dibna la fulin doono weerar Seykoloji oo lagu cabsi gelinayo burcadda.


Markabkan lagu magacaabo Bhaktisagar ee xeebaha Soomaaliya lagu afduubtay waa markab yar oo ka diinwaangashan gobolka Gujarat ee dalka India, waxaana uu ka shaqeysan jiray inta badan gobolka bariga dhexe oo uu bariis usoo qaadi jiray.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM