|
Gudiga gurmadka abaaraha oo maanmta qabtay shir jaraa'id uu kaga hadlayo
xaalada gobolo kormeer ay kusoo sameeyeen.
Shir jaraa'id oo maanta ka dhacay xarunta guddiga gurmadka abaaraha ayaa
waxa ay guddiga gurmadka abaaraha uga hadleen socdaalkii ay kusoo mareen
gudoomiye ku xigeenka gudiga gurmadka abaaraha Sheekh Cisman Maxamed Maxamud
xarunta gudiga gurmadka abaaraha ayuu kaga hadlay xaaladda abaareed ee ka
taagan gobolada koonfureed qeybo ka mid ah oo ay socdaal kormeer ah kusoo
mareen kuwaasi oo ay ka mid yihin Gedo,Bakool iyo Bay.
Sheekh Cisman ayaa ku tilmaamay socdaalkii ay ku tageen goboladaasi mid
ay kusoo indho indheynayeen xaalada dhabtaah ee ka jirta goboladaasi isagoo
xusay in xaalad nololeed oo aad u adag ay kusoo arkeen goobihii ay tageen.
' Dadka ma heystaan wax ay cabaan ,waxaana ay inta badan taaganyihiin
hareeraha wadooyinka ayagoofilaya inuu gargaar deg deg soo gaari doono" ayuu
yiri Sheekh Cisman oo intaasi ku daray in dad fara badan iyo xoolahooda ay u
geeriyoodeen haraad iyo gaajo ayadoo aysan jirin gargaar aad u ballaaran oo
deg deg ah.
Gudoomiye ku xigeenka gudiga gurmadka abaaraha ayaa ugu baaqay dadka
Soomaalida ah ee ku sugan dalka dibadiisa ,maalqabeenada Soomaalida iyo
hay'adaha samafalka in ay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadkaasi abaartu
ay heysato .
Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU
|