Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddi dhexdhexaadin ka dhexilaabay dhinacyada ku dagaalamaysa Muqdisho oo maanta sheegay in labada dhinac ee dagaalamysa ay ka ogolaadeen in la dhexdhexaadiyo.

Guddigii waan waanta ka dhex waday dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Muqdisho ayaa maanta sheeegay in ay ka ogolaadeen garabyadii dirirta u dhaxeysay in ay si fool ka fool ah ay isusu soo hor fariistaan, iyadoo guddiga dhex dhexaadinta uu maanta kulan la yeeshay wakiilo ka socday garabka Bashir Raagge.

Sheekh C/qaadir Soomow oo kamid ah culumaa'uddiinkii ku dhex jiray garabyadii ku dagaalamay magaalada Muqdisho ayaa u sheegay saxaafada in maalinta berrito ah laysa soo hor farriisin doono si loo soo afjaro khilaafkii dhaliyay dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho 4tii maalmood ee lasoo dhaafay.

Warar ku dhaw dhaw guddiga dhex dhexaadinta oo ay heshay Marka Cadeey ayaa sheegaya garabka Bashiir Raage in ay shuruud adag ku xireen xabad joojinta, taasoo ah in ciidanka Xaaji Abuukar ay ka baxaan dhamaan deegaanadii ay ka qabsadeen isbahaysiga, iyadoo taasi ay keenayso in laysku mari waayo waan waanta laga dhex wado labada dhinac.

Garabka Xaaji Abuukar ayaa waxa ay horay uga ballan qaadeen guddiga dhex dhexaadinta in ay aqbali doonaan waan waan kasto oo dani ugu jirto shacabka kudhaqan magaalada Muqdisho, iyadoo guddiga uu ka xaqiijisanayay dhanka Bashir Raagge diyaar in ay u yihiin in lasoo afjaro dagaaladii ka socday magaalada Muqdisho.

Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhuum ah waxa ay sheegayaan in isbahasyiga uusan diyaar u ahayn in lasoo afjaro dagaalada kasocda magaalada Muqdisho, ayagoo iminkana qorsheynaya weeraro rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidanka Xaaji Abuukar ee gacanta ku haya fariisanadii ay ka talin jireen iyo garoonkii laga soo dejin jiray saraakiisha Yahuuda iyo kuwa Maraykanka ee fangareeya isbahaysigaaas.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU