Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddiga gurmadka abaaraya oo ka deeriyay Xaalada Nololeed ee qaar kamid ah Tuuloooyinka hoos taga Gobolka Shabeellaha hoose.

Gudoomiyaha guddiga gurmadka abaaraha Sheekh Axmed Max'ed Suleyman oo kasoo laabtay socdaal qiimeyn ah oo ay kusoo kala bixiyeen degmooyin iyo tuulooyin hoos taga gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay xaalad nololeed oo aad u qallafsan in ay ka jirto halkaasi, isagoo tilmaamay abaaraha ka jira gobolka in ay kasii darayaan, dadkana ay bilaabeen in ay ka hayaamaan deegaanada qaar oo ay kajirto abaar aad u daran.

Sheekh Axmed waxa uu xusay in ay dhawaan ka howl gali doonaan degmada Baraawe iyo toolooyinka hoos taga oo ay ka jiraan abaaro saameeyay dadka ku dhaqan deegaanadaas, inkastoo halkaasi ay ka furan yihiin dhowr xarumood oo lagu quudiyo dadka, balse kuwaasi aysan dabooli karin baahida ka jirta deegaanadaas.

Sheekh Axmed waxa uu carabka ku dhuftay dhibaatooyin dhinaca biyaha in ay ka jiraan deegaanadii uu booqday, qaarkood waxa uu sheegay biyuha in la kala siisto lacag adag oo aysan awoodin dadka qaar, halka deeganada qaarna ay ceelasha biyo yareeyeen.

Mar uu ka hadlayay howlaha guddiga gurmadka uu ka qabanayo degmada Baraawe waxa uu yiri 'waxaan xoojin doonaa xarumaha dadka lagu quudiyo ee halkaasi laga furay, inagoo sidoo kale furi doona xarumo cusub, waxaan sidoo kale dadkaas kasaacidi doona dhinacaya biyaha, waxaan udiri doonaa booyado biyaha u dhaamiya".

Guddiga gurmadka abaaraha Soomaaliya oo la aasaasay dabayaaqadii bishii january ee laga soo gudbay ayaa waxa uu gurmad deg deg ah gaarsiiyay dadka abaaraha ay ku hayaan tuulooyin hoos taga gobollada Gedo, Bay, Bakool, Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellaha hoose, iyagoo taageero maaliyadeed ka helay shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha ku dhaqan Qurbaha oo dhega nuglaaday baaqyada ku aadan samata bixinta walaalahooda ku tabaalaysan qeybo kamid ah dalka oo ay dishatay abaar daba dheeraatay oo gallaafatay nolosha boqolaal qof iyo kumanaan xoolahii ay dhaqanayeen.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU