Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyaha barlamaanka oo maanta qadar daqiiqado ah aqalkiisa lagu xayiray.

Warar aanu ka helnay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya maliishiyooyin hubaysan oo ka tirsan ilaalada gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan in ay qadar daqiiqado ah ay xayireen gudoomiyaha baarlamanka, kadib markii ay gadoodeen maliishiyooyinkaas.


Xasan Xanafi oo ka mid ah wariyaasha ku sugan magaalada Baydhabo ayaa RSTVonline u sheegay maliishiyooyinkaas in ay go’doomiyeen qadar daqiiqo ah gudoomiyaha baarlamanka, isla markaana ay ka hor istaageen gudoomiyaha dibada in uu uga soo baxo hoyga uu ka degan yahay magaalada Baydhabo.

Xasan Xanafi waxa uu intaa ku daray maliishiyooyinkan gaystay falkan in ka ashtakoonayeen shaqadii oo laga cayriyay, taasoo keentay in ay isku dayaan in ay qalqal geliyaan gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ma jirto cid wax ku noqotay falkaas xayiraada looga qaaday Shariif Xasan, waxaana lagu soo warramayaa maliishiyooyinkii falkaas gaystay in loo taxaabay xabsiga.

Inkastoo wararkaas laga helayo magaalada Baydhabo, hadana ma jirto warar rasmi ah oo kasoo baxay gudoomiyaha baarlamanka ama guddigii amaanka ee dhawaan laga sameeyay magaalada Baydhabo ee madaxda ka yahay Aadan Saransoor.
 

Maxamed Cadde
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU