Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha wasiirada dowlada kmg ah ee Soomaaliya oo maanta kulankii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Baydhabo.

Kulankan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada dowaladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo uu shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha dowlada federaallka Cali Maxamed Geeddi ayaa waxaa looga dooday arrimo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen baasaboorka Soomaaliya, sharciyeynta heshiisyada caalamiga ah oo ay dowladdu gashay intii ay joogtay magaalada Jowhar iyo arrimaha amaanka qaranka.

Ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi oo furay kulankii wasiirada ee maanta baydhabo ka dhacay ayaa sheegay in golaha wasiirada ay horyaalaan howlo aad u balaaran, waxa uuna tilmaamay in loo baahan yahay golaha wasiirada in ay ka munaaqashadoon arrimahan, go’aanna ay kasoo saaraan.

"kulanka maanta waxaanu kaga doodeynaa arrimaha nabad gelyada dalka iyo baasaboorka dalka oo noqday xaansho qof walba uu iska qaato, waxa ayna taasi keentay in qof waliba uu raadsado baasaboor shisheeye ah si uu ugu socdaalo dalka dibadiisa,, taasina waxa ay caqabad ku noqotay dowladada" ayuu yiri ra’iisul wasaaraha dowlada kmg ah ee Soomaaliya cali Maxamed Geeddi oo intaa raaciyay "waa in aan ka shaqaynaa sidii loo soo celin lahaa karaamadii iyo sharaftii baasaboorka dalka oo noqday mid dalkaste uu iska diiday in uu visa ku bixiyo".

Kulanka golaha wasiirada maanta uga furmay hoolka shirarka ee ADC oo ay kasoo qeyb galeen inta badan wasiirada ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo, ayadoo gabagabadii kulankaasina laga soo saaray magacaabista laba guddiyo kala ah guddiga amniga qaranka iyo guddi kale oo loo xilsaaray arrinta baasaboorka sida uu sheegay wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibraahim Max’ed Sheekh oo shir jaraaid qabtay ka dib markii uu dhamaaday kulankaasi.

"labada qodob ee looga dooday kulankii maanta waxaa laga soo saaray laba guddi qodobka hore ee ahaa amniga qaranka waxaa loo saaray guddi kasoo baaraandaga oo soo qaabeeya, ka dibna usoo bandhiga golaha wasiirada oo ansixinaya, ka dibna waxaa loo soo gudbinaya golaha shacabka oo isaguna qalinka ku duugi doona, qodobka 2-aadna waxaa loo saaray guddi kale oo ka baaraandaga qaabka uu noqonayo baasaboorka dalka iyo astaamaha uu yeelanayo waxaana loo soo gudbin doonaa golaha wasiirada, ka dibna golaha baarlamanka" ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibrahim Maxamed Shiikh.

Si kastaba ha ahaatee kulankii maanta ayaa ahaa kii ugu horeeyay oo ay golaha wasiirada dowlada kmg ah ee Soomaaliya ku yeeshaan magaalada Baydhabo tan iyo markii halaasi ay isugu tageen xubnaha labada gole ee dowladda kmg ah.

Maxamed Cadde.
RSTV NEWSROOM
MOGADISHU