Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta doortay gudoomiyaha gobolka banaadir.

Golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta isugu yimid xaruntii hore ee Xisbiga ayaa mar kale u doortay Maxamud Xasan Cali (Cadde Gaabow) oo horay ra'iisal wasaare Cali Max;ed Geeddi ugu magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho in uu noqdo gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.

Munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeyb galeen xubnaha golaha deegaanka gobolka Banaadir, xildhibaano ka tirsan golaha baarlamanka, siyasiyiin, waxgarad, iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa qadar daqiiqado ah loo ogolaaday in murashaxiinta ay kusoo bandigaan wax qabadkooda siyaasadeed.

45 ka tirsan 64ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka gobolka Banaadir ayaa waxa ay cod qarsoodi ku kala saareen labadii murashax ee tartamayay, waxa ayna natiijadii noqotay Cadde Gaabow oo helay 35 cod, halka Daahir Hilowle oo la loomayay uu ka helay 10 cod, iyadoo natiijadii doorashadaas tirinta cododka ka dib uu ku dhawaaqay Cali Nuur Cagweyn oo ah ninka ugu da'da weyn xubnha golaha deegaanka gobolka Banaadir. Maxamud Xasan Cali Cadde oo guushaas ka dib ka hadlay munaasabadaas ayaa ku tilmaamay doorashadii uu ku soo baxay mid taariikhi ah oo aan la halmaami doonin, waxa uuna sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo soo doortay, isagoo codsday in la la shaqeeyo.

Gudoomiyaha golaha deegaanka gobolka Banaadir Maxamud Cumar Tootow oo isna ka hadlay munaasabadii maanta ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in golaha deegaanka uu soo doorto gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho, isagoo uga mahad celiyay xubnaha golahaas sida ay xil isaga saareen gudashada waajibaadkii loo soo doortay. Shaqsiyaadkii kasoo qeyb gashay xafladii maanta lagu soo doortay gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho waxaa kamid ahaa gudoomyaya gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Yuusuf Maxamud Siyaad (Indhacade), Sheekh Xasan Daahir Aweys, Xuseen Xaaji Bood, Jenaraal Max'ed Nuur Galaal, Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame iyo masuuliyiin kale.

Waxaa xusid mudan xafladii maanta lagu soo doortay gudoomiyah gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho in aysan ka soo qeyb galin wasiirada hubaysan ee Muqdisho oo ayagu markii hore soo dhisay golahaas, iyadoo wasiiradaasna markii danbe ay ku kala tageen doorashada gudoomiyaha golaha deegaanka gobolka Banaadir, kadib markii ay ku hungoobeen xilkaas in la siiyo rag si gaar ah ay u wateen hogaamiye kooxeedyada iminka wasiirada ka ah dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya. Khudbooyinkii ugu qiimaha badnaa ee laga jeediyay munaasabadii maanta waxaa kamid ahaa tii uu jeediyay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose Sheekh Yuusuf Indhacade oo ugu baaqay shacabka reer Muqdisho in ay la shaqeeyaan maxaakimta islaamiga, isla markaana dhan ay uga soo jeestaan hogaamiye kooxeedyada 15ka sanadood dhibaatada ku haya oo aan jecleyn horumar ay ku tallaabsadaan dadka reer Muqdisho.

Dhanka kale waxgarad kasoo jeeda beesha Mudulood oo maanta shir jaraa'id ku qabtay hotelka Bin Cali ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen in aysan raalli ka ahayn doorashada maanta ka dhacday xarunta Xisbiga oo ay ku tilmaameen mid si gaar ah ay usoo abaabulees shaqsiyaad dano gaar ah ka leh, iyagoo ku dooday in doorashadaas ay dhinac marsiisan tahay wareegtadii ra'iisal wasaare Cali Max'ed Geedi uu kusoo magacaabay maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee doorashadii maanta uu ku soo baxay Cadde Gaabow oo horay u hayay xilkaas ayaa waxa ay fajaciso ku noqotay, taasoo ay ula jeedaan in doorashadii maanta ay ahayd mid dhoolatus ah oo la filayay in Cadde Gaabow lagu shubayay.

RSTV NEWSROOM
Maxamed Cadde.
Mogadishu